Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Xasan Nasrulaah Oo Dignin Qaylo U Taagay : Sacuudigow Hoy Joog iiraan Dambas Iyo Buuri Daanka La Dhigo Bey Idin Ka Dhigin Oo Wixii Idin Ka Hara iyagoo Dareysan Arigaa Loo Diran

Friday - September 20, 2019



Hoggaamiyaha Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan Sayid Xasan Nasrallah ayaa maanta Sacuudi Carabiya uga digay inay ku khamaaraan dagaal ay la galaan Iran, isagoo talaabadaasi ku tilmaaamay mid burburin doonta boqortooyada.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in hab cusub ee difaaca gantaalaha hawada ah uusan Sacuudiga ka difaaci karin nooca diyaaradihii drone-ka ee loo adeegsaday weerarkii 14-kii September lagu qaaday xarumaha shidaalka Sacuudiga.

“Ha ku khamaarina dagaal aad la gashaan Iran, sababtoo ah way idin burburin doontaa” ayuu Nasrallah ku yiri khudbad laga sii daayey taleefishinka, waxaana uu xusay in weerarkii September 14 uu hakiyey ilaa bar wax soo saarkii saliidda Sacuudiga,

Nasrallah ayaa waxa uu intaas ku daray “Gurigiina waxa uu ka sameysan yahay Muraayad, dhaqaalihiinana wuxuu ka sameysan yahay Muraayad, si la mid dabaqyadaha muraayadaha ah ee Imaaraadka Carabta.”

Nasrallah ayaa sheegay in weerarkii xarumaha shidaalka shirkadda Aramco uu muujiyey awoodda xulufada ay taageerto Iran, waxa uuna sidoo kale xusay in hab difaac cusub ee hawada uusan bad-baadin karin Sacuudiga, sababtoo ah baaxadda dalkaas oo ka dhiegysa in diyaaradaha drone-ka ay beegsan karaan goobo badan.

“Hab difaac cusub oo hawada ah wuxuu noqon doonaa mid qaali ah, waxna idin ma tari doono” ayuu yiri Nasrallah.

Hogaamiyaha ayaa waxa uu taa beddelkeeda Sacuudiga iyo Imaaraadka kula taliyey inay joojiyaan dagaalka Yemen, “si ay isku bad-baadiyaan.”