Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 15 October 2019

Turki Iyo Mareykan Is Dar-Dare .. Erdoganka Egmadiisa Libaaxa Ah Oo Ka Digay In Shirka Qaramada Midoobay Laga Eedeeyo Iran

Thursday - September 26, 2019



Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag ku baaqay in laga fiirsado in Iran lagu eedeeyo weerarkii 14-kii bishan lagu qaaday goobo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla dalka Sacuudiga.

Inkasta oo weerarka ay sheegatay kooxda Iran ay taageerto ee Xuutiyiinta Yemen, ayaa Riyadh, Washington iyo dowlado kale oo Reer Galbeed ah waxay sheegeen in Iran ay mas’uul ka ahayd, balse xukumada Tehran ayaa beenisay inay wax kaalin ah ku lahayd weerarka.

“Uma maleynayo inay tahay waxa saxda ah in la eedeeyo Iran” ayuu yiri Erdogan oo arbacadii wareysi siiyey taleefishinka Fox News ee Mareykanka, isaga oo ku sugan xarunta QM ee New York.

“Waxaan u baahannahay inaan garowsano xaqiiqda ah in weeraro la baaxd eg midkan ay ka yimaadeen qeybo ka mid ah Yemen” ayuu yiri Erdogan.

“Haddii culeeska oo dhan aan dusha isaga saarno Iran, ma ahan wax sax ah, sababtoo ah, caddeymaha la heli karo ma tilmaamayaan xaqiiqdaas,” ayuu Erdogan ku yiri wareysigiisa Fox News.

Erdogan ayaa sidoo kale cambaareeyey cunqabateenada Mareykanka ee Iran, isaga oo sheegay in tallaabooyinka noocan oo kale ah “aysan weligood xalin waxba”.

Waxa uu beeniyey eedeymaha ku saabsan in Turkey ay ka caawiyeen Iran inay hareer marto cunaqabateenadii hore, waxaana uu sheegay in eedeymaha noocaas ah ay wadaan dowlado mucaarad ah.