Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Sahal Ma Aha Caashaq Mar Haddu Ku Saaqo .. Gabar U Dhalay Maal-Qabeenka Bill Gates Oo Hilow Caashaq La Calaacashay Oo Tiri Sidu ii Saaqay Daranaa

Thursday - January 30, 2020



Qof la jeclaado caado ahaan waa dareen fiican ..  Dadka qaarkiis dhawr jeer bey wax jeclaadaan, qaar kalana weligood jeceyl ma helin .. Sida caadada ah Gabadha Mareykanka waxay xaq u leedahay iney wax jeclaato oo la socoto qofki ay rabto .. Hadaba gabadha u dhalay maal-qabeenka caanka ah Bill Gates oo la yiraah Janifer oo marba marka ka dambeysa jaceyl-keeda sii afar qaadaya ayaa fariin Text Message xishood la'aan ah barteeda soo dhigtay oo ay ereyo jaceyl kula hadleyso gacal-keeda Nayel Cadil Nasar oo muddo ay wada socdeen, waxayna codsigeedi jaceyl Tiri: Jaceyl-keygow bilicda wacan lahaayow, hilow caashaq baan higsada, waxaan raba inaan sida hooskaaga ku weheliyo oo agtaada ku noolaado ee Please ila aqal gal, waxayna u sheegtay in la'aantiis ay nolosha u soconeyn, balse jaceylka aan kuu qabo ayey tiri weligiis ma ahan mid dhimanaaya.

Gabadha Jennifer iyo saaxiibkeed Mr. Nayel Cadil Nasar ayaa dhawaanta booqasho dalxiis ku tagay magalada Qaahira ee caasimada Masar iyagoo halkaas ku booqday raadadki hore ee taariikhdi Faraacinta iyo dhismayaal qadiimi ah oo loo dalxiis tago, kadibna markay soo noqotay waxayba si toosa u soo bandhigtay calaalcalka jaceylkeeda iyo dalabka guurkeeda oo ay weliba ku soo qortay barteeda.

Mr. Nayel Cadil Nasar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Masar, wuxuu dhashay bishi 21 January 1991 isagoo yaraantiisi ku barbaaray cariga Kuweyt oo aabihiis waqtigaas halkaas ka shaqeyn jiray .. Mr. Nayel wuxuu jaamacada dhaqaalaha kaga baxay gobolka Kalifornia sanadka 20013, wuxuuna ku hadla afar luqo oo ay ka mid yihiin faransiiska, Englishka Jarmalka iyo Carabiga, waxaa intaa dheer oo caan ku yahay Farda fuulka, Kubada Laliska iyo gaar ahaan dheesha kubada cagta