Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Subxaanka Yaa Cadim .. Waa Qiso Cibrad Qaadasho Ah Oo Ku Dhacday Madaxweyne Hore Ee Turkiga Mustafa Kamaal Ataturk

Tuesday - Feb 4, 2020



Mustafa Kemal Ataturk wuxuu ahaa Jeneral kacay oo sida la sheego Reer galbeedku si shaqal-dabin ah ku soo dusiyeen .. Wuxuu ahaa Aasaasihi bud dhigay in Dalka Turkiga ka guuro nidaamka Suldaan-nimada oo noqoto Republic Halku-dhageysu yahay Diin la'aan " Secularism", isagi baana noqday madaxweynihi ugu horeeyey ee u dalkaas yeesho .. Mudadi u dalka xukumahayey wuxuu hawshiisi ka bilaabay una xuub-siibtay xumaha islaamka oo albaabada u laabay, wuxuu baneystay inu dalka ka ciribtiro dibna u fur-furo ku dhaqanki diinta islaamka ee mudada dheer shacabkaas ay ku dhaqmayeen .. wuxuu dalka si Aarsi ah uga mamnuucay barashada afka Carabiga, Barashada diinta islaamka iyo In si wda jira salaada looga oogin Masaajidada .. wuxuu diiday xirashada astaamaha diinta islaamka sida Koofiyada iyo Xijaabka oo yiri: Tuura kitaabka oo sidi Yurub tamashleeya, isla markaana wuxuu dhiiri-galiyey in xayeysiis loo sameeyo akhlaaqda iyo fasaadka xun .. Dadki islaamka Ee Turkiga waxaa bukaan ka dhigay ciil biirsamay oo afki ayaa juqda gabay. 

Waxaa la sheegaa inu khamriga aad u cabi jiray oo marku laba jeer fiiqsado Qac ka siiyo xidigaha dul sabeeyo u ku Dikrin jiray Ereyo sawir xun ka bixinaaya amase ku diidan-yahay Quraanka Kariimka oo u dhihi jiray: Maxaan ku faleynaa Quraan ka sheekeynaya Watiin iyo Zeytuun .. Arinkaasoo Reer galbeedka ay si wacan ugu gacan qabteen, taaso keentay in xornimadi diinta islaamka ee cariga Turkiga dhinac walba ka sal guurto.

Aduunyada waa ayaan aad Malab jaqeyso iyo maalin aad dhadhamineyso Mur iyo Deebaaq .. Nabsigana waax-yuhu ku gooya oo kugu gadoodaa .. Mustafa Kamal Ataturk maalin maalmaha ka mida sidu u joogay ayaa korkiisi cun-cun bilaabay, xanuunkaas oo maalinba maalinta ka dambeysa si faafayey ila korkiisa, wajigi iyo indhihi casaadeen sidu isu xoqaayey .. Takhaatiirti caafimaadkiisi oo muddo baareysay sababta keentay xanuunka noocaan ah, waxay goor dambe ogaadeen in xanuunka korkiisa ku faafay ay keentay qaniiyo ka timid "Quraansho Cas" waxaana la yaab noqotay in Quraanshada Cas ay Dunida kaga nooshay dalka China oo qura, waxaase lala si yaabay sida ay Qasriga Mustafa Ataturk ku timid, waxaa intaa dheer haddi si kasta loo raadiyo la arki-maayo ..  laakiin waxaa mucjiso ahayed in inti u noola Mustafa Ataturk aan la helin Daawada cudurka ay keentay Quraanjada Cas, hasa-ahaate Sanad kadib marku mootana ayaa daawadaas waxaa laga helay dhacaanka miraha geedka "Watiinka iyo Zeytuunka" oo ah Geedki Mustafa Kamal ilaahay ku eedeynaayey.. Subxaanaka Yaa Cadiim

Mustafa Kamal marki dambana xaaladiis isagoo ay saas tahay oo xanuun awgiis sariir lagu gamo' iyo gogol ka dheeraaday ayaa haddana lagu saladay Neef xaga dhambe oo Dhaw iyo Dhakh u ka siinaayo tobanki daqiiqaba mar, oo sidi buunka u yeereysa, ilaa marki dambe xeebta istanbuul la soo fariisiyey Markab hoonka yeeriya si loo asturo waxa ka yeeraya calooshiisa  .. haddana isagoo dhibkaas qaba ayaa beerkiisi Talaf noqday " Cirrhosis of the liver" 

Nabsiga oo wax badan laga dhoorsugaayey, Ugu dambeysti Malag baa dhawaaqay oo Nacabki ilaahay Mustafa Kamaal Ataturk ee dadki islaamka Kuleyl iyo Kar ku hayey, waxaa Alle aduunyada ka kaxeeyey bishu markey ahayed November 10 Sandka ahaa 1938, waxaana hubaal ah camalki u dhigtay inu Qabriga ugu soo dhici-doono .. Mustafa Kemal Ataturk wuxuu dhashay 1881 waqtigi Ottoman Empire.


 









hits Hits : 2752