Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

WiKiLeaKs Goldogob Times War Baa Ku Dhan .. R/W Abyi Axmed Oo Ku Taahaya In Somaliland Loo Furo Albaabka Madax-banaanida .. Laacib Culus C/Risaaq Shoole Oo Fariin Dhambaal Gaarsiiyey Afwarge

Monday - Feb 10, 2020



Warar Sir ah oo dhwaanta laga xigtay dad ka agdhaw xafiiska Abyi Axmed Ee Adis-Ababa, ayaa carabka ku dhuftay in dhalan-dhoolki iyo safaradi hore ee madaxweyne Farmaajo u dhawr jeer ku tagay Adis Ababa, ay ahayed booqasho u ka dambeeyey Raiisal wasaare Abyi Axmed oo farmaajo kala hadlay qorsho cusub oo u ka damacsan-yahay inu arimaha Somaliya ku faragaliyo

Raiisal Wasaare Abyi Axmed oo Qorshaha cusub dusha uga dul maray Farmaajo, waxuu u soo jeediyey in Somaliland la siiyo Is-maamulid muddo Toban Sano ah oo tijaabo ah .. qorshaas oo guud ahaan lagu akhriyey madaxweyne Farmaajo waxaa taas badal-keeda Farmaajo balanqaad loo soo jeediyey in itoobiya ay sin-doonto ciidan faraweyn oo isaga ka amar qaata, iyadoo ay ciidankaas ka taageeri-doonaan doorashada dhacaysa bilawga 20021 .. Hasa Ahaate Maxamed Farmaajo oo soo jeedintaas markiiba ka anfariiray wuxuu sheegay in dalka u leeyahay Gole sharci dajin oo arinkaas aan la garaneyn sida loo marsiin-karo

Warka la xigtay ma sheegin in Maxamed Farmaajo soo jeedintaa aqbalay iyo in kale, laakiin waxaa la sheegay in Maxamed Farmaajo oo dhuumaaleysi uu dhabarku muuqdo ku jira u kulan hore oo dhacay kaga dalbaday Abyi Axmed in si ku meel gaara loo siiyo ciidamada ka hawlgala amniga doorashada soo socota, laakiin Abyi Axmed isna codsigaas muran kama keenin, hasa ahaate waxaa la isla qaatay inta aan la boodin la iska hubsado halka lagu dhici-doono.

Dhinaca kale waxaa la sheegay in Maxamed Farmaajo codsi hiil oo caynkaasoo kala ah u horay ugu gudbiyey Madaxweynaha Afawarge ee Eritrea waxaana la sheegay iny wax un aan la shaacin isku afgarteen, Laakiin grif-girifta mucaaradiinta Somaliya ayaa qoraalo dhambaal fariin xambaarsan taabsiiyey madaxweyne Afawarge .. dhambaalkaas oo uu si qaaday Ex Agaasimihi ku xigeenki hore ee Villa Somaliya Digtoor Shoole ee xaga Mucaaradka Laacib culus ka ah, ayey dacwadoodi ku fasaqeen codsigi farmaajo ula yimi Afawarge .. Arjigaas oo Marada ka fayday Qorshaha Farmaajo u ku doonaayo ciidamada Eritrea, waxay ka codsadeen in siyaasada dawlada Eritrea u madax ka yahay la marin-habaabin oo aysan ku dawakhin danaha gaarka ee Farmaajo wato, isla markaana aan la is dulmin Godob laga tirsan oo dhaxdhaxaad ka noqoto arimaha doorashada somaliya iyo waliba inaan la ogolaan Kufsi-boobka kursiga madaxtinimada, waxay kalo fariin-tooda ku sheegeen in somaliya waqti xaadirka oo ay ceel dheer dhex taal ay u baahantahay madaxweyne si walba umadda ugu qalma .. taaso la sheegay in Afawrqe wixii loo soo jeediyey mabda' ahaan aqbal ka muujiyey