Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Dharaaro Miisaanka Xaqsoorka Saaran Ee Taariikhda Soo Maray .. Cali Bin Abu Dalib RC Iyo Yuhuudigi Is Qabsaday

Tuesday - Feb 11, 2020



Xaqsoorka ama caddaaladdu waa tiirka nolosha,waana halka ay ka bilaabanto nabadda iyo horumarku .. waa dhimbiil qaadashada sinnaanta iyo Eex la’aanta .. Waana dareenka dhabta ah ee ka marag kacaya shakhsiyadda iyo qof-nimada wanaagsan .. Caadil waa magac ka mid ah magacyada illaahay oo sheegaya in sifooyinka Alle ay ka mid tahay caddaaladdu .. Alle Subxaana Watacaalaa waa Caadil aan cidna dulmiyin .. Alle cidna ma dulmiyo ee dadku iyagaa naftooda dulmiya .. Qofku samaan iyo xumo wuxuu sameeyo abaalkeeda ayuu helayaa, maadaama oo loo sheegay xaqa iyo waddada saxa ah iyo ta khaladka ah, loona sheegay inuu ta xaqa ah raaco oo khayrka doorto:

Cali binu abi daalib RC iyo yahuudi is qabsaday
………………………........................
Cali Bin Abii Daalib RC iyo nin Yahuudi ah ayaa seef isku qabsaday .. Ninka yahuudigu wuxuu sheeganayay inuu seefta isagu leeyahay, Calina sidoo kale wuxuu sheeganayay inuu isagu leeyahay oo Nabigu CSW seefta siiyay .. Markay Seeftii isku qabteen ayaa waxay isku la tageen Qaaddigii Muslimiinta wakhtigaas oo la oran jiray " Shurayx". Wakhtigaa Cali wuxuu ahaa amiirka muslimiinta.

Qaadi Shurayx markuu dooddii dhagaystay ayuu cali ku yiri: Wax markhaati ah ma haysataa? Cali wuxuu ku jawaabay " Haa oo labadayda wiil, Xasan iyo Xuseen" .. Qaadigii wuxuu yiri " Amiirkii Muuminiitaw miyaadan ogayen inay Awlaaddu markhaati u gali Karin waalidkooda. cid kale ma haysataa?". Cali wuxuu ku jawaabay " Maya". Ka dib Qaadigii wuxuu yiri " haddaa seefta waxa iska leh ninka ay gacantiisa ku jirtu".

Markii seeftii loo xukumay ninkii Yahuudiga ayaa wuxuu la yaabay sida caddalaadda ah ee qaadigu u kala saaray isaga iyo amiirkii .. Ninkii yahuudiga ahaa intuu qiirooday ayaa wuxuu yiri " Seefta Cali ayaa iska leh, anigu waxaan qirayaa inuu ilaahay mooyee ilaah kale jirin, waxaanan qirayaa inuu Muxammad yahay Nabi iyo Rasuulkii ilaahay".