Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Abiy Waa Nin Ku Wacan Khiyaamooyin Oo Doonaya Inu Wax Qaawiyo .. Raiisal Wasare Abiy Axmed Oo Ka Laabtay Qorshihiisi Isaga Iyo Farmajo Ku Tagi-Lahaayeen Hargeysa

Monday - Feb 17, 2020




Warar la isla dhex maraayo oo si rasmi ah loo xaqiijinaayo kuna dhaw-dhaw itoobiya waxay sheegayaan in Somaliya iyo itoobiya ay isla meel dhigeen in laga laabto qorshihi ay Raiisal wasaarha Itoobiya iyo madaxweyne Farmaajo ku tagi-lahaayeen Hargeysa.

 Buuq Shacbi oo shalay warkaan ka dhashay magalada Hargeysa iyo guud ahaan somaliland ayaa sabab u ahaa in safarkii la baajiyo .. isla markaa Culeys siyaasadeed oo ku yimi hogaamiye Bixii ayaa iyana sabab kale u ahayed in itoobiya ay aqbasho codsiga Somaliland ee ahaa inaan la keenin madaxweyne Farmajo.

Booqashada la sheegay in madaxweyne Farmajo Hargeysa iimaanaayo ayaa waxay ifisay wax-yaabo badan oo qarsoona ama dad badan shaki uga jiray kaaso ah in siyaasada Hargeysa iyo Mogdisho labadaba laga maamulo Adis-Ababa, 

Somaliland waxay itoobiya ka codsadeen in aan loo keenin Madaxweyne Farmajo taaso micnaheedu yahay in aysan Somaliland iyagu aysan lahayen go'aanka cida Hargeysa imaaneysa