Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Waagi Soo Baryaba Sheeko Hor Leh .. Waa Sheeko Iyo Murti Xikmad Ku Fadhida .. Boqorki Afarta Xaas Lahaa

Tuesday - Feb 18, 2020




Boqor Boqoradii hore ka mid ah ayaa waxuu qabey 4 Xaas waxuu aad u jeclaa mida 4-aad jaceyl waali ah wax walbo ay ka dalbatana wuu u sameyn jirey si u raali geliyo .. Mida 3-aadna wuu jeclaa balse waxuu dareemi jirey in maalin uun ay qof kale ka raaci doonto .. Mida 2-aadna waxey aheed mid marka uu dhib ku dhaco u soo ordi jirey iyo waqtiga daruufta jirto wuuna la tashan jirey ayadana wey la qeybsan jirtey dhibkiisa .. Lakiin mida 1-aad xaqeeda ma uusan siin jirin ayadana wey jecleed jaceyl xad dhaaf ah waxeyna u ilaalin jirtey hantidiisa ilmihiisa xaqiisa wey dhowri jirtey,

Waxaa xanoonsadey Boqorkii waxuuna dareemey in ay u soo dhawaatey geeridiisa waxuu ku fakirey oo nafsadiisa u sheegay: Inu leeyahey 4 Xaas mana jecli inaan qabriga kaligey galo xaskisa mida 4-aad ayaa waxuu ku yiri: Aniga waan ku jeclahey xaasas-keyga kale adiga ayaan kaa jeclahey wax walboo rabtidna waan kuu sameyn jirey raali ma ka tahey inaad Qabriga igu wehlisid? .. Waxey tirey: waa wax aan caqliga galeeyn ..weyna ka carartey isla markiiba ayadoo weliba xanaqsan.

Tii 3-aad ayaa timi waxuu iyadana ku yiri: Waan ku jeclaa inta aan is qabney waxaana ka codsanaya inaad ii raacdid Qabriga? waxay ku jawaabtay oo tiri: Nolasha wey macaantahey hadaad dhimatid Nin kale ayaan iska guursan .. Waxaa timi Tii 2-aad waxuuna ku yiri: Mar walbo adiga ayaan kuu soo ordi jirey marka dhib I heysto manta waxaan ka codsanaya inaad Qabriga igu wehelisid? waxay ku jawaabtay: Aad ayaan ugu xumahey ma awoodi inaan dalbkaaga kuu yeelo, balse waxaan kuu awooda inaan qabriga ku gaarsiiyo oo kaliya.

Boqorkii aad ayuu u murgoodey in yar ka dib waxuu maqley cod ka soo yeeray meel dheer oo leh: Aniga ayaa ku raacaya qabrigaaga iyo meel walboo aad taktid .. Boqorkii wuu fiiriyey qofka codkaa ka soo yeerey waxeyba noqatey xaaskiisi 1-aad ayado oo daciif ah oo iska jiran sababtoo ah ma uusan daryeeli jirin .. Boqorkii aad ayuu ugu shalaayey waxuuna yiri: Waxaa loo baahnaa inaan mar hore adiga ku dhawro xaqaagana ilaaliyo hadii waqti la isiin lahaa waxaan aad u jeclaan lahaa adiga waana ku daryeeli lahaa.

Dulucda Qisada .. Xaaska 4-aad waxay mataleysa: si walbo aad jirkaaga u daryeeshid mise aad raacdid Shah-wadaada goorta aad dhimatid wey kaa tagayan isla markiiba.
Xaaska 3-aad waxay mataleysa: Hantidaada, marka aad geeryootid wey ka tagayan waxeyna adayaan dad kale.
Xaaska 2aad Waxay mataleysa: Ehlikaaga iyo saaxibadada wax walbo ay ku sameeyaan kama fileysid ilaa iney ku gaarsiyaan qabrigaaga mooyee ..  Xaaska 1-aad waxay mataleysa: camalkaaga iyo iimaankaaga wanaagsan ayaa wax ku tara .. Ka waran hadii manta camalkaaga lagu tuso uuna yahey mid daciif oo la iloobey