Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

ILaah Ha Ina Hareer Mariyo Balaayoo-yinka Ka Dhacaya Aduunka .. Waa Maxay Xiriirka Ka Dhaxeeya Dawaada Malaariyada Ee Chloroquine Iyo Corona-Virus-ka

Tuesday - March 24, 2020


Daawada Chloroquine waxaa la sameeyey 1940-kii, maamulka daawooyinka iyo cuntada ee maraykanka "U.S. Food and Drug Administration (FDA)" ayaa ansixisay in loo isticmaalo daawaynta Malaariyada 1949-kii waan daawada lagu istcimaalka badan yahay u isticmaalka xanuunka malaariyada .. Daawada Chloroquine waxay khal-khalisa awooda uu feyrasku ku tarmi karo.

Bishii February koox cilmi-babayaal ah oo u hogaaminaayay nin ku takhasusay feyraska oo la yiraah Manli Wang oo ka tirsan "Chinese Academy of Sciences" ayaa keenay fikirka ah lagu tijaabiyo Chloroquine, taas oo lagu guulaystay in ay joojiso fiditaanka SARS-CoV-2 markii lagu beeray unugyo aadame "cultured human cells". 

Warbixino hor u dhaca oo ka imanaaya China, South Korea iyo France ayaa soo jeediyay in daawadu ay ugu yaraan si fiican ugu shaqaysay Dad bukaan ah oo lagu tijaabiyey, qaar ka mid ah cisbitaalada Maraykanka ayaa bilaabay siinta bukaanka daawada sida ay sheegtay jariirada The New York Times.

Si kastaba ha ahaate daawada Chloroquine oo xad dhaaf loo qaata waxay keeni kartaa in lagu dhinto iyadoo la doorbiday in la istimaalo daawada Hydroxychloroquine oo ka Sun yar kan hor tagaysaa in feyrasku tarmo.

Madaxweynaha Trump ayaa 19 bishan Yiri : Labada daawo ee Chloroquine iyo Hydroxychloroquine waxa lagu daawayn kara xanuunka Corona virus, isaga oo intaas ku daray in ay martay habkii lagu ansixin lahaa isticmaalkeeda .. Lakiin maamulka Daawooyinka iyo Cuntada ee maraykanka "U.S. Food and Drug Administration (FDA) ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan tahay hadalka madaxweynaha loona ogolaan in lagu daaweeyeo xaanuunka Corona-virus lakin lagu daaweeyo xanuunada malariyada  iyo Lupus iyo Rheumatoid Arthritis, lakiin ay ku jirto tijaabo cafimaad "Clinical trails" inta aan la sheegin in ay wax ka tari doonto xanuunka.

Qaar kamid ah Taakhtiirta Maraykan ah ayaa u qoray dadka xanuunkani soo ritay nidaamka lo yaqaano ku eegta "off-label" inta aanay ansixin FDA.