Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Xalimo Yarey Neefka Qal Oo Inoo Qaybi Misna Qiiq Yuu Bixin .. Xalimo Yarey Oo Horey Uga Dhaqaajisay Villa Somaliya Markii Looga Yeeray Dhusamareeb

Thursday - July 16, 2020


Waxaa shalay magalada Dhusamareeb garoon-keeda ka soo degtay Guddoomiyaha Gudiga doorooshoonka dawlada Federaalka Xalimo Ismaaciil Ibraahim ee loogu yeero Xalimo Yarey, waxaana la sheegay in iimaanshaheeda u la xariiro codsi uga yimid xaga madaxda maamulada gobolada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ujeedka Xaliimo Yarey loogu yeeray ay tahay in lala socodsiiyo shaqadeeda bilaha soo socda, halkaaso sida la yiri waxaa loogu dhiibi-doono Jadwal ay ku shaqeyn-doonto oo ka tarjumaaya doorashada dalka ka dhici-doonta gaar ahaan nooca iyo qaabka loo maraayo.

Siyaasiyiin badan oo bulshada somali ka mida ayaa waayahaan-ba Xalimo Yarey ku eedeynaayey in Viila Somaliya ay dabada ka soo qanjiirisay oo aysan xuriyad buuxda maskaxda ka haysan, balse ay noqotay qof si xun isula baxday dabadeed higsatay wax aan meel mari-karin iyo qorsho Dixiri hoosta kaga jira oo ujeedadu ahayed in Baarlamaanka Fedaraalka Iyo Maxamed Farmaajo waqti loo kordhiyo.