Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Villa Somaliya Oo Darbiga Dabadiisa Ka Aadimeysa .. Kheyre Oo Gacalkiisi Farmaajo Ka Haajiray

Friday - July 17, 2020



Sida la ogyahay Dawladda Farmaajo ayaa dhawr jeer meelo fagaara ah isku amaantay oo war faan ah ku kala gurtay in aanay is-khilaafin madaxweynaha iyo Raysal wasaaruhu, hasa-yeeshee taasi iiminka mar qura ayey meesha ka baxday .. Shakiga iyo khilaafka u dhexeeya labadan masuul ee haatan xilka haya, ayaa curtay ka dib marki kulan qarsoodi ah u dhex maray Rag ka socda Mucaaradka iyo Kheyre .. kulankaas oo u ku ogaaday in Farmaajo haddi waqtiga loo kordhiyo u Raiisal wasaaraha ka dhex magacaabi-doono Mucaaradka, laakiin Shiikh Shariif iyo Xasan culusow ayaa soo jeedintaas laaday.

Kheyre ayaa horay shaki ahaan u ogaa in Madaxweyne Farmaajo haddi ay muddo kordhin timaado in isaga waa kheyre uu Farmaajo meesha ka saarayo oo Raiisal Wasaare cusub ka keeni-doono dhinaca mucaaradka, taaso keentay in kheyre geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidi meesha looga saari-lahaa wax muddo kordhis ah, isla markaana intu ka baxay jawgi aamusnaata haddana oogay dagaal siyaasadeed oo dhinac kasta kaga furay isagoo ujeedadiisu tahay inu Farmaajo Saliid Macsaro ka tuujiyo iyo sidu u noqon-lahaa Qori xar galay oo hoosta ka xon-xoshay 

Xulufada Farmaajo ee xeer jajab rabta iney wax ku muquuniyaan, waxaa ugu tunweyn, Fahad Yaasin, Raysal wasaare ku xigeenka Khadar iyo guddoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Mursal oo intaba ka cararaaya doorasha dadban .. Dhinaca Raysal wasaaraha ayaa haysta taageerada inta badan madaxda maamul-gobleedyada, guddoomiyaha aqalka sare iyo xayn yar oo ka tirsan golaha wasiirrada gaar ahaan inta aan xildhibaanada ahayen .. Farmaajo iyo kooxdiisa marki horaba xisaabta kuma ay darsan in Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi u dabada xaska la gali-doono, teeda kale waxay si qalad ah u odoroseen mawqifka madaxda Baydhabo, Hiiraan iyo Galgaduud ee ay iyagu soo malmaluuqeen

Dhinaca kale Safaaradaha Beesha Caalamka oo Farmaajo horay uga waayey jid gala iyo mid ka baxa waxay markaan ku yiraahdeen haddi aad waqti kordhis wax ku boobeyso aysan iyagu si gaara u khuseyn, balse ay tahay inu u maro hab loo dhan-yahay oo sharciga waafaqsan .. waxay tusaa-leeyeen in marna aan laga talaabsan-karin Talada Madaxda Gobolada, isla markaana aysan shaqeyneyn in meesha laga saaro Baarlamaanka Sare.   

Inkasto Farmaajo waxba laga tala galin, Haddana hindisaha iyo amarkii ciidamada Haramacadka lagaga saaray magaalada Dhuusamareeb waxa toos u bixiyey Khayre oo kalsooni ka haysta madaxweyne-goboleedka Galmudug Qoor Qoor. isla markaa fursada ay heleen maamul-goboleedyadu waxa soo salaxay Khayre oo taageero ka haysta inta badan madaxda maamul-gobleedyada iyo guddoomiyaha aqalka sare .. Sida la odorosaayo waxaa la aaminsan-yahay in miisaanka loolanka siyaasada ay u raajixin-doonto dhinaca Kheyre iyo Kooxdiisa oo ay arintu ku dhamaan-doonto doorasho Dadban