Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Kulanki Dhusamareeb Oo La Isula Yimid Xarig Ay Qoloba Gees Ka Soo Gunaday .. Warki Ugu Dambeeyey Ee Dabino Isu Daadiska

Monday - July 20, 2020



Wararka aan ka heleyno xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa sheegaya in madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay mar kale caawa isugu iman doonaan kulan kale kadib kulankii halkaas ku dhex-maray maanta u ahaa mid inta badan la isku mari-waayey .. waxaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo illa hadda u dalabkiisa uurka kaga jiro oo meesha la joogo qosol been ah dhoosha la is tusaayo oo ku jiro un uur baar .. Farmaajo illa hadda ma jiro war soo dhaafay dibnihiisa aan ka ahayen qosolkaas, balse waxaa la isla dhex qaadaya inu kulan gaara la qaatay Axmed Madobe Iyo Deni oo u soo bandhigay iney ku taageeraan barnaamijkiisa doorashada ee la xarira Nin iyo Codkiis, isla-markaana Daarood ahaan ugu hiiliyaan taaso sida la sheegay ay ku gacan sayreen oo yiraahdeen shiikhow sheekada daarod ma joogte ee waxaa la isku haya waa Dastuur.

Kulankii maanta ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka, laakiin sida la saadaalinaayo qoob ka ciyaarka siyaasadeed ee meesha ka muuqata ma aha mid guul keeni doona, walowse qaar siyaasiiyiinta wax odorosa ay sheegayaan in xarig jiidka marka dambe la isla gaari-doono in meel dhexe la isugu yimaado

Sida aan xogta ku helnay kulanka maanta ayaa doodo adag oo ku saabsan doorashada ay harreeyeen, ayada oo aanay jirin wax isfaham ah oo laga gaaray ajendeyaasha kulanka weyn ee la filayo inuu berri furmo.