Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Farmajo Oo Weli Fuushan Faraski Indhaha La'aa Ee Kolba Buur Iyo Banaan Jaantaa Rogan U Eryaaya .. Kheyre Markaan Ficil Muujiyey Oo Garoonka Soo Galay

Tuesday - July 21, 2020



Inkasto warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan dhinaca shirka ka socda Dhuusamareeb oo la leeyahay madaxweyne farmaajo weli wuxuu fuushan-yahay faraskii indhaha la'aa oo kolba buur isku qaadaayey ayuu haddana weli wuxuu ku si meereysanaya doorosho Qof iyo Cod ah, oo ujeedadu tahay kordhin laba sano, balse dhinaca kale waxaa jira war si aada loo hadal hayo oo sheegaya in Riisal Wasaare Kheyre u markaan garoonka shirka si toosa u soo galay oo u leeyahay bal ninkaan anaa ku oranaaya please soo jeenso oo dalkaan Garaama-haagi ka qaadatay ee Cirka ha isku shareerine ee waxaan sal iyo raad lahayen dadka iyo Dalka ha ku wareerin

Raisal Wasaare kheyre intusan u tagin farmaajo ayuu warkiisa ku si wargaliyey Madaxweynayaasha Maamul Gobolada, oo hadda la leeyahay wuxuu shir illaa maanta kula jiray Madaxweyne Farmaajo isagoo sida la sheegay raba inu ka dhaadhiciyo inu ka tanaasulo fikirka Qof iyo Cod oo aysan suragal ahayen in lagu shaqeeyo amse wax lagu caburin-karo .. waxaa la leeyahay saacdo badan ayey iskula jiraan qolka, lamana garanaayo sida wax ku hagaagayaan amase hadal la isu deeqsiinaayo ma daama Farmaajo xaga Maskaxda IQ huf ka yahay , isla markaana madax banaaneyn, oo ay ku xirantahay argtida Habar Saar leh iyo sabiga Fahad Yaasin oo isagu raba inu mar kale dalka faraha ku dhigo