Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Wa kaa Farmaajo Dalki Aakhiro U Jiiday .. Farmajo Oo Ku Dul Kaajay Dhuusamareeb

Saturday - July 25, 2020


Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa si deg deg ah wixi u qarsanaayey Rabi ka dhawaajiyey oo isla markiiba aqbalay warki is-maqiiqa ka soo yeeray gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal ee lagu casilay Kheyre, taaso sida muuqata ay ahayd qorshe wada-tashi ay horay u soo jaan-gooyeen Farmaajo, Fahad iyo Mursal oo ujeedadu ahayed in is-baro loo dhigo war-murtiyeedki dhawaanta ka soo baxay magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa la yiri Nimaad Taqaan Uur-kiisa baad ku jirta, oo guud ahaan bulshada somali waxay si fiican  u ogyihiin in Maxamed Farmaajo oo horay bulshada isaga soo dhigay Rasuul soo daahiray ay markaan xaqiiqadiisa ogaadeen oo wuxuu dibnaha ka sheego ay inta badan been noqdaan, isla markaana oohin yaxaas been-been ah qubo, balse wuxuu jeclyahay wixii u ballan-qaado inu marka dambe ku dul kaajo .. Maxamed Farmaajo dhaqankiisa ma aha nooca la toosin-karo, mana aha nin loo dan sheegan-karo, oo dabeecadahaas oo kale waxay shabahaan dadka doqomada ah, isla markaana waxba kama galin dal iyo maamulo shido la ciir-ciira mar haddi ay dantiisa ku jirin.

Arintu si kastaba ha ahaate, Maxamed Farmaajo iyo Kheyre waa tii waqtigi Qaraamiga la wada-walaaqanaayey, laakiin inti waqtiyadi damba ah wey isu gambanayeen, hasa ahaate maanta ayaa kheyre cod bixin xeradi Dameerada baarlamaanka laga malmaluuqay shacabka lagu khaawisiiyey oo la yiri kheyre waa laga takhalusay, iyadoo badalkiisi si ku meel gaara loo magacaabay ku xigeenkiisi Khadar, laakiin warki oo kooban waxaa isha lagu haya sidu ka yeeli-doono War-murtiyeedki u wax ka saxiixay ee ka soo baxay shirki Dhuusamareeb, taaso haddi u halki ka sii wado ay rajada xaalada somaliya ka bad-baadin-doonto qas iyo qalaanqal dhaca, hasa-yeeshe haddi u ku meereysto amase hunguri-yeeyo ku darsasho Qurba-sireedka bilaa sharciga ah iyo wax la mida markaas beeni socon-meyse ee dabki u oogay buu dhamaciisa cagaha la gali-doonaa dabadeed dib uga shalayn-doono