Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Amuuraha Bar Baa Sira Ah Kaftana La Isla Soo Dhaaf .. Taliyaasha Amniga Somaliya Oo Amar Cad Iyo Dignin Laga Soo Siiyey Buurta Xarunta Xalane

Friday - July 31, 2020




War illa xalay la isla dhex marayey ayaa lagu soo hadal qaaday in Taliyaha ciidanka Jeneral Odawaa looga yeeray Buurta Xarunta Xalane ee ay fadhiyaan saraakiil Mareykana iyo qaar ka mida wakiilada reer galbeedka, kuwaaso sida la sheegay amaro caga-jugleyn ah dul dhigay Jeneraalkaas, isla markaana inta loo Gu' triyey loo cadeeyey xil gudashada saaran iyo wuxuu yahay, sidaas daraadeedna ma jirto ayaa lagu yiri taydaan ku soconeynaa ee waa in marnaba la qaadin talaabo lagu caburinaayo shacabka, balse hawsha ciidanka ay ku ekaato la dagaalanka Argagixisada Al-shabaabka oo qura.

Waxaa kalo Jenraalka loo carbaabay in beesha caalamka ay har u taay nabada somalya oo haddi amaradaas khilaaf ka yimaado la ogaan waxaa la fali-doono, iyadoo weliba lagula taliyey in amaradaas la siiyey u ku wargalin-karo taliyihiisa guud Farmaajjo

Sido Kale waxaa warku intaa si raacinaya in sidaas oo kale iyagana loo yeeray taliyaha Boliska iyo taliyaha Nabadsugida oo iyagana la siiyey casharo amaro iyo dignin la xariira xad-gudubka iyo wax-yeeleynta Siyaasiyiinta Mucaaraka iyo guud ahaan shacabka, oo wixii gef iyo xumaan ah gacanta ka laaban-meyno ayey hadalki ku soo gaabiyeen