Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Qisadi Dilka Nabi Yaxye Bin Zakariya CS

Tuesday - Feb 23, 2016



Dilkii Nabi Yaxye CS ee masiixiguna u yaqaanin John the Baptist Waxaa dilkaa laga bixiyey fasiraad kala duwan .. Tan ugu caansan Qisada dilka ayaa ah in mid ka mida Boqoradi waagaas xukumaayey magalada Dimashaq u damcay inu guursado gabar xigtay oo ay qaraabo ahaayeen oo sharci ahaan aan u banaaneyn inu guursado marka la eego xaga sharcigi Tawreed ee waqtigaas jiray.

Yaxye oo loola yimid ifto ahaan sida u guurkaas xigtada u suuragaleyso waa u ka reebay inu guursado naagtaas, hasa ahaate haweyneydaas oo aragtay iney wixii ay dooneysay u hirgalin, waxay Yaxye u qaaday cuqdad iyo cadaawad xun  .. waxay maleegtay shirqol ay la eegatay munaasabad gaar ahaan mar u boqorkaa u ka doonay inu ka sineysto. Naagtaasi waxay boqorkii ay la haa-saaweysay ka dalbatay oo ku xirtay dilka Yaxya iyo iney madaxiisa loo keeno.

Boqorkii isla markiiba waa u ka yeelay codsigeedi, oo u diray askartiisi iney soo dilaan oo keenaan madaxiisa oo ku jira weel xeero ah .. waxaa la sheegay iney naagtaasi durbaba ku dhimatay isla meeshi loogu keenay madaxi Yaxye .. waxaa ka jiray sido kale khilaaf xaga meesha lagu dilay Yaxye oo la yiri ma waxaa lagu dilay Masjidka Al-Aqsaa mise meel kale?

Qawl laga soo wariyey Shamar bin Catiya, waxuu leeyahay: Todobaatan Nabi waxaa lagu dilay dhadhaabka Beytul Maqdis, oo u ku jiray NabiYaxye CS. waxaasa jira Qawl kale oo laga soo wariyey Saciid Bin Museybi, waxuu leeyahay boqorkii Bablon ee Bakhta-nsar ayaa mar yimid Dimashaq, markaasu arkay in dhiigi Yaxye bin Zakariya u weli dareeraayo oo meeshi u ku daatay ku karkaraayo. waxuu dadkii goobta ka ag dhawaa ka wareystay arinta dhiigaa, markaasey u sheegeen qisada dhacday .. Markaas boqor Bakhat-nsar oo ahaa boqrkii Bablon ee hadda loo yaqaan dalka Ciraaq iyo jeneralkiisi la oran jiray Nebuzardaan waxay magaldi ka dhigeen huf iyo hal aan jirin iyagoo meydkooda ka talaabsaday tiro Todobaatan kun oo Qof, markaasu dhiigi Joogsaday oo qalalay dabeetoona qarsoomay.

Bakhta-nasar, waxuu ahaa adoon alle ku beeray qalbi adag oo haddana caabuda dabka, isla markaana aan ka baqin ciqaabta Alle, sidaa daraadeed reer bani-israaiil markey qooqeen oo ka baxeen xadka dulmi iyo aabi,oo ay hoos u dhacday xaaladooda diineed, akhlaaqeed iyo bulsho Alle waxuu ku saladay adoonkaas Bakhta-nasar oo gabigoodba halaagay .. wuxuu dilay sadex meelod meel .. oo adoonsaday sadex meelood meel oo iska daaye kuwasi xitaa Duqeydi iyo Naafadi iyo Bukaankii oo ku laayey qoobabkii fardihiisa,

hits Hits : 7708