Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Jugta Yeertay Waa Jawaanki Lacgta Ahaa Ee Noga Yimid Qadar .. Mogdisho Waa Gubaneysa Oo Waxaa Ku Socota Duufaan Madaafic Hig Leh

Thursday - September 10, 2020




Qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir caawa waxaa lagu garaacay hoobiyeyaal mudo daqiiqado gudahood ah, kuwaas oo illaa hadda aan la garaneyn meel laga soo riday, kuwaaso ku dhacaya meelo ka mid ah degmooyinka Xamar-jajab, Waaberi, Boondheere, Warta-nabadda, Wadajir iyo Shangaani, oo ka wada tirsan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Taliyaha boliska General Xijaar Iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, ayaa warkoodi ahaa War War-duldhig ku soo dhamaaday in jugta qaraxyada ay ahaayeen Jawaanadi lacagta nooga yimi Dawlada Qadar, laakiin Sawirro laga soo qaaday qaar ka mid ah goobihii ay ku dhaceen Jawaanadaas madaafiicda noqotay ayaa muujinaya burbur soo gaaro xaafado ay dad deganaayeen .. illa hadda lama soo werin wax khasaare nafeed ah, oo la arkay

Sanadkii 2012-kii ayaa magaaladan laga xoreeyay Al-Shabaab, balse sideed sano kadib 2020 ayey weli khal-khal ammaanka ka wadaan gudaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.