Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Aduun-yooy Xaalkaa-be .. Kheyre Oo Ka Qooma-maynaya Dunuubti U Macalinka Ka Ahaa Ee Xaga Sare Rabi Ka Qarxiyey Oo Si Toosa U Cadeyey Inu U Taagan-yahay Masharax Madaxweyne

Saturday - September 12, 2020



Muqdisho : Raysal wasaarihii hore ee soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shaaciyey inuu tartan u galayo xilka madaxweynaha .. Ex Raysal wasaare Khayre ayaa war u soo saaray waxa uu ku sheegay in hada la joogo wakhtigii uu u tartami lahaa madaxtinimada soomaaliya isago xusay inuu waaya-aragnimo ka helay mudadii uu hayey xilka raysal wasaaraha.

Xasan Cali Khayre ayaa fariintiisu u dhignayd sidan:-
Bismillah .. Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlad-nimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay.

Wuxuu yiri isagoo hadalkiisa sii wata, Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharax-nimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo ..
Mahadsanid