Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Is Dul-Taag Halyeygi Mahaatiir Maxamed Oo Sabab U Noqday Horumarka Maleysia .. Miyaynu Weynay Rag Sida Mahaatiir Iyo Urdogan

Thursday - September 24, 2020



Ninka sawir-kaan ka muuqda waa Mahatir Maxamad. Wuxuu dalka Malaysia Ra'iisal-wasaare u ahaa intii u dhaxaysay 1981-2003. Mudadaas gudeheeda wuxuu ka dhigay dalkiisa Malaysia mid ka mid ah dalalka tusaalaha loo soo qaato markii laga hadlayo horumarka iyo dhismaha dalalka. 

Dalka Malaysia shacabkiisa boqlkiiba 52% waxay ku noolaayeen xaalad fakhri ah oo la daala dhacay burbur aad u daran, dawlad la'aan, Gajo iyo wasakh fara badan, laakiin maanta waa mid ka mida wadamada hogaamiya dhaqaalaha caalamka .. maantana boqolkiiba 95% waxay haystaan nolol aad u heer saraysa .. Dadka shaqaysta oo leh dakhli sugan waa boqlkiiba waa 97% oo shaqo la'aan kama jirto, bolqlikiiba 3% soo harayna waa dad ay dowladooda taakulo la garab taagan tahay ilaa ay shaqo helayaan.

Boqolkiiba 80% baabuurta lagu dhex wato Malaysia waa baabur lagu dhex sameeyay dalkaas gudihiisa. Waana dal ka horumarsan dhanka wax soo saarka warshadaha. Waxaas oo horumar ah waxay gaareen mudadii uu Mahaatir gacanta ku hayay maamulka dalkaas .. Ragu marka waa nin dalkiisa sidaas u dhisay oo sumcad iyo qiimo u yeelay iyo nin kale oo dalkiisa taariikhda iyo khariidadda aduunkaba ka saaray.

Mahatir Mohamed waxa uu ahaa wiil dhalinyaro ah waxa uu waxbarashiida dugsi ee hoose iyo sare ku bartay gudaha dalkiisa oo ahaa mid burbursan waxa uu u ambabaxay markuu dugsiga sare dhameeyay dalka Singabore oo uu kasoo bartay culuumta caafimaadka (diktoornimada ) islamrkuu dhameeyayna waxa uu kasii aaday jaamacada Harvard ee Maraykanka taas oo uu iyana ka dhigtay culuumta siyaasada ka dibna waxa uu ku soo laabtay gudaha dalkiisa halkaas oo uu ka furtay xarun uu dadka ku daweeyo .

Waxa uu siyaasada ku biiray Sideetanadii oo uu ku biiray xisbigii Qawmiyadooda Malayga, kadib dadaal dheer waxa uu ku guulaystay jagada Ra 'iisal Wasaara-nimo ee dalkiisa .

Hadaba somaliyeey ina mee !! Miyaynu waynay nin sida Mahatir mohamed oo kle ah !! Se miyaynu waynah erdogan oo kale !! mise miyaynu waynay hogaamiye xirfad, garad iyo aqoon dheer leh !!!

Maya !! Maya!! Ma iynu waayin balse dadka soomaalida boqolkiiba 90% waa dad caqli badan laakiin halkee sartu ka quruntay !! Markaa maxaa sababay inaynu 30 sano bilaa horumar ahaano burburna ku noolaano!!!

Cilmi baaris lagu sameeyay wadanka japan ayaa waxa lagu soo bandhigay in Tobanka qof ee japaniyiinta ah uu ku jiro hal qof oo caqli baadan halka Tobanka qof ee soomaalida ahna ay ku jiraan Sagaal qof oo caqli leh .. Waxa la isku dhex waydiyay gudaha cilmi baaristan hadaa maxaa sababay in japan ay dowlad horomar dhiseyso, halka somaliduna ay horumar la'aan iyo burbur ku noolaato .. markiiba waxa jawaabay nin proffessor ah wuxuuna yir: Soomaalidu waxay u hogaansamaan halka qof ee bilaa caqliga ah halka kan garaad-kooda cilmiga lehna way nacaan halka japana ay raacaan.