Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Dhacdo Walba Xasuusteed .. History-gi Suldaanki Ugu Dambeeyey Ee Carabka Ahaa Oo Si Kacdoona Looga Eryey Magalada Zansibaar

Tuesday - September 29, 2020


Kaddib muddo 56 sano uu dibad joog ku ahaa dalka Britain Jamshiid Bin Cabdullaahi Al Said oo ahaa suldaankii ugu dambeeyay ee kasoo jeeday dalka Cuman ee ka arrimiyo jasiiradda Zanzibar ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay magaalada Masqat ee caasimadda Cumaan .. Suldaanku wuxuu kamid ahaa saldanaddii Cumaan ee 91 Sano ka talin jirtay Jaziirada Zanzibar, waxaana si kacdoon ah xilka laga tuuray bishii Jannaayo ee sanadkii 1964-tii.

Wargeyska The Guardian ayaa ku warramay in dowladda Cumaan ay marar badan diiday codsi uga yimid suldaanka oo ahaa in dib uu ugu soo laabto dalka .. Balse qaar ka mid ah qoyskiisa oo ku sugan magaalada Masqad ayaa warbaahin uu fadhigeedu yahay Abu Dhabi u sheegay in suldaanka uu codsaday in noloshiisa inta ka dhiman uu ku qaato dalkii uu kasoo jeeday ee Cumaan.

Suldaan Jamshid bin Cabdullaahi wuxuu dhashay 16-kii bishii September sanadkii 1969-kii, wuxuu noqday suldaankii Zanzibar markii uu geeriyooday Aabihiis Cabdullaahi bin Khaliifa bishii July ee sanadkii 1963-dii .. Bishii Disembar sanadkii 1963-dii, jasiiradda Zanzibar waxay xornimadeeda ka qaadatay Britain.

Bil kaddib sanadkii 1964-tii, ayaa ciidaan maleeshiyaad ah oo dhan 600 rag ah kana soo jeeday Afrikaan oo u hogaaminaayo Nin la oran jiray John Okello asal ahaan ka soo jeeday dalka Ugaandha waxay xilki ka tuureen maamulkii carabta ahaa ee ka talinayay Zansibaar.

Waxaana la xasuuqay kumanaan qof oo carab ahaa halka kumanaan kale ay isaga qaxeen jasiiradda Zanzibar iyo Pemba .. Wixii ka dambeeyay kacdoonkaas, madaxweyneyaashii Zanzibar iyo Tanganyika oo haatan ah Tanzania waxay kala saxeexdeen heshiis Zanzabir looga dhigayo maamul goboleed.

Suldaan Jamshid bin Cabdullaahi wuxuu isaga cararay qasrigii saldanadda ee ku yaallay Zanzibar kaddib markii ay halkaas la wareegeen koox fallaago ah .. kadib Suldaanki waxaa loo diiday in magangelyo laga siiyo dalka Cumaan, hasa ahaate marki dambe wuxuu aaday dhinaca Britain isaga iyo 61 qof oo ka tirsan qoyskiisa iyo ehelkiisa.

Labo toddobaad uun kaddib wargeyska New York Times ayaa ku warramay in dhibaato dhaqaale oo heysatay suldaanka ay ku qasabtay in uu isaga guuro huuteel lagu raaxeysto oo uu ka deganaa Britain gaar ahaan meel u dhaw Buckingham Palace .. laaliin waxaa lagu waramay in 1964 in dowladda Britain ay lacago boqolaal Gini ah siisay Suldaanka taaso u suurogelisay in ku noolaado goob degan oo xeeb ah oo ku taalla Britain.

Sanadkii 2000, madaxweynihii hore ee Zanzibar, Salmin Amor wuxuu cafis u fidiyay suldaan Jamshid bin Cabdullaahi.