Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 21 November 2017

Galdogob Times Oo Idin Ka Sir Warameysa Dabinkii Loo Shaqlay Ugaas Maxamuud Ugaas

Monday - Feb 29, 2016




Bismillaahi Yaasin, Balooy Bayr .. Waxaan maanta qalinka u qaatay inaan bulshada Tanade wax uun wax uga iftiimiyo sawirka xaqiiqada ka jirta caleemo saarka ugaaska beesha iyo sida ay u yaraatay xishoodkii gaar ahaan xikmadi u sal guurtay, oo warkeeniba noqday haddi aanay sidaasi noqon waan is basbaa-saynayaa oo micnaheedu yahay haddi waxaa aan rabo helin irbad duni galimeyso taaso ah baab canaad lambar Kow.
Teeda kale akhristow waxa runta la yiraa waa xaalka kali ah ee uu aadami ku qanco, laakiin haddi kolba midab loo yeelo been la qurxiyey waa cishooyin waxay shaqeysa aakhrkiina iyado dhabti ah bay daaha iska feydaa, lamana loodin karo xaqiiqada, haddi la isku dayo in la dado marka ay soo if baxdo.

Nin baa laga sheegay la iima waxyoodo waxna ima seegana oo sida inta badan ayba dadkeenu horayba illa xad warka xam-xamta iyo dhaga-dhageynta arimaha Ugaaska aan daah ka saarneyn,hadana wey ila haboontahay in bulshadeena tanade ee joogta dacal ila darafka dunida wixii jira la isla socodsiiyo taaso ah muhimada gaarka ee ay ku dhisantahay webkaan galdogob Times

Akhristow ha iga fogaan ee ila eeg intaan hoose adigoo raaliya .. Waxaa la yiri belooy maxaad tartaa? waxay tiri nin iska deganaa baan u khaa-khiya oo wax aanu ka war qabin ciribtooda dambe ku dhaqaajiya ilaa aan gunta ka rido, xadkiisana dhaafiyo kama haro.

Horaanti sanadkii hore gaar ahaan todobaadyo intaan laga joogin Aaskii allaha u naxariiste marxuum Ugaas Axmad Ugaas oo ahaa curadkii Ugaas Maxamed, waxaa kulaan xag isku xirka isgaarsiinta ee sida fudud la isku heli-karo si wadarreeed ugu wada sheekeystay shakhsiyaad sadex ah oo ka soo jeeda jufida Maxamed Muumin gaar ahaan reer xaaji cali 

Sadexdaas jaalle waxay isku afgarteen in mar haddi Ugaas Axmed Ugaas meeshi ka baxay ay taladu joogto in booskiisi la buuxsho, isla markaana loo halgamo sidi loo karkarin-lahaa Ugaas dano gaara lagu xusho, dood dhexdooda ka dib su'aal jawaab ku socota iyo ka socta iyo iyagoo is tusay iney darbi jilicsan oo fagmaya helen. oo markaas iyagoo iska indha tiraya xaqiiqada hor taal, kolba dhinac ka imaasho ayey bilaabeen iyo dhuumashow dhabarku muuqdo. waxay isku af garteen in xilkaa loo igmado si qoor qabasho ah lagu khasbo mid ka mida wiil u dhalay alaha ha u naxariiste Ugaas maxamed dibada ku nool, oo micnuhu yahay laynka ugaasnimada ay markaan haysato laga leexiyo, waxayna ku tashadeen in qorshaha ay wataan si loola qaato loo dad badsado gaar ahaan si guusha ugu soo hoyato xod-xodosho ahaan loola si gurguurto sheeko la dado ilma Ugaas Maxamed oo laba iyaga ka mida damac caano shub la galiyey oo gudo iyo dibadba ku kala sugan, laakiin markii dambe kuma ay ekaan ilmo Ugaase maxamed oo qura, balse waxay tele-conference-ki arintaa looga xaajoonaayey soo galiyeen niman kooban oo ka mida qoyska reer geesood oo ujeedadu ahayd Wanka macasha ii qabo adigu gawrac ii mari dhiigana aan muudd-sado.

Jaalayaashi u tafaxeytay mucaaradnimada maxamuud Ugaas Axmed oo marba marka ka dambeysa si afar qaadaya illa haddana sida la sheego weli fuushan faraskii indhaha la'aa oo kolba buur iyo banaan jaanta rogan u eryaayey, waxay in muddo ahba sii joogtey-nayeen doodi gardaro ee ku si joogsiga ay dhinac walba u hurgufayeen, hasa ahaate shir dambe Teleconference-ka oo iyagu isu xilqaamay kulankiisa iyo maareyntiisa, iska dhigaayey kuwa shumaca shirkaas ileyska siinaayey ayaa la guda galay ka hadalkii warkii Ugaasnimada iyo baahida loo qabo in booski Ugaas Axmed cid loo magacaabo waxayse ay sadexdi Jaalle oo hawsha maareyneysay iyagoo daacad iska dhigaaya markii dambe shirka soo dhex dhigeen warbixin virus dhagaha la isaga shubay ay ku tala galeen in ay maxamuud Ugaas Axmed boqnaha ku jaran, hafraaya wax kasta oo wanaag leeyahay oo sidaan u dhacaday:

1- Waxaa la yiri Maxamuud Ugaas Axmad ma aha nin qabiilo daba joogsan-karto oo waxaa diidan guud ahaan Tanade Gaar ahaan Maxamed Muumin ka si gaar ahaan Reer Xaaji oo dhan oo aniga qoraalkaan dhigaya si gaara carabka laygu dhuftay inaan wax ka dhalilsanahay
2- Waxaa la yiri waxaa ka goys haysta salaadiinta walaalaha degaanka dariska nala ah
3- Waxaa laga sharqamiyey in maamulka Puntland horey isu jiireen
4- Waxay sheegeen in maxamuud Ugaas Axmed u yahay kali tashade, caga baruur ah aan siyaasada baaluq ku ahayn wax alaale wax u ku fiicanyahay aysan jirin
5- Hogaamin ma leh oo waa gar maqaate iyo tanac tanac badan oo kale oo ay ku eedeyeen

Shirka inti ku wada jirtay hadalka warbixintaas dhagaha ayaa loo raaricinaayey laakiin go'aan cad oo sharci ku fadhiya lama gaarin aan ka ahayn hadalo la isku dhaafsaday afka baarkiisa. waayo ka qayb galayaasha qaarkood waxay ogaayeen in shirkasta ay ka maqanyihiin ilma Axmad Ugaas inusan sharci noqoneyn

Dhinaca kale Arinta iyadoo saas tahay oo Ragi faraskii waalayey weli ku ceyrsanaya ilmo Axmed Ugaas oo isu qaatay iney goolka shabaqa ku jareen , waxaa si lama filaan ah garoonkii ciyaarta dig ku soo yiri shabeeladi ilmo Axmed Ugaas oo sidi libaax ciil la dikrinaaya marada isku giijiyey, warmahoodi iyo udbahoodi wata oo inta qalwadoodi Aabahood galdogob gogol ku dhigteen si faahfaahsan qurux badan soo jiidasho leh Guurtadi uga warameen taariikhda xaruntaan la fadhiyo ee xilkii aabahood ku hayey. soo gunaanad yirahdeen dhaxalki aabahayaga ayaan u fadhinaa. ku halqabsadeen Nin laga dhiman jireyna dhaxalka aabihiis waa yaqaan, Nin geed fadhiyi jirana gartiisa waa yaqaana iyagoo markaas si wada jira horyaal u soo magacaabay walaalkood Maxamuud Ugaas. waxaana gogoshi fadhiga isla markiiba ku ajiibay kuna baayac-doortay gacaladi guurtida reer maxamed muumin ee Galdogob, dabadeeedd si is xig-xigta 10 ka mida jufooynki Tanade markay si buuxda u baayaceen maxamuud Ugaas Axmed oo jufooyinki harsanaa ku soo daba joogaan ayaa digtooro ilma Maxamed Ugaas dibada ku sugnaa soo codsadeen in ay imaanayaan oo walaalkood ka weyn iyo Maxamuu Ugaas gartooda si dheeli-tiran u galayaan, laakiin wax natiijo oo arinta ka islaax-samay lama sheegin, waxaase laga sheegay digtoorada iney yiraahdeen waa balan inti bil iney ku soo noqon-doonaan, waana laga aqbalay

Arinta iyadoo saas tahay, oo jaalayaashi mucaaradka oo weli sidi geemka ku indha si cad-cad waxaa cududaar keenay murashaxoodi yurub ka yimi Ina Ugaas maxamed oo isagu maalmahaan ka mid ahaa wafdigi ilma Ugaas ku sugnaa Galdogob oo yiri aniga danteyda ma aha inaan buuq galo iyo haddi xaalku sidaas yahay aniga kuma jiro, sidaa darteed halkii la iska daaweyn lahaa ayey haddana dib u abaabuleen murashaxoodi kale ee ahaa ina Ugaas Maxamed oo lagu yiri nin hurdow ka soo toos jiifka

Akhristayaal Mar haddi aan sidaa idin ku waramay oo ay dhici-karto inaan wax badan iska asturay, isla markaana ay dhici karto inaan wax loo baahaneyn ku ilduufay, oo koleyba aniga ma qabo in ragaan ay dhib ula kaca beesha u geysanayaan oo waxaaba jira qaarkood aan garanaayo iney yihiin geesiyaal waqtigoodi ku dhameystay danta guud ee beesha oo in badan ka miro dhaliyey, waxaana leeyahay alle ha ka abaal siiyo wanaagu galay, balse ficilada iyo colaada shakhsiga lagu fogaanayo ay si toosa iyo si dadbanba u keeni karta in beeesha sidi qori daad wato noqdaan .. ninka aan waxa socda aan garani, waxa imaan-doona in uu ka sii fakaro haba sheegin. waayo waxuu wax ka qaban-lahaa dhibta markaas jirta ..  arintana ma joogto Maxamuud Ugaas ama hebelow, balse arinta waxay tahay in buqcada aan ku noolnahay la badbaadiyo sidaan loo kala xamaalan oo qoloba geesteeda wixi ay taabsato iyo duubkeda dhinac gaara ula baxdo ..  ma aha iyadoo qalad la eeganayo in isha un la iska canaanto oo kaliya ee hooy hooy joog la is yiraahdo, oo isla markaa cadaalada dhexdeena la adkeeya .. arintu si kastaba ha ahaate gar xeer diiday iyo ummad gole diiday midna guul ma dheelmo.
Cala ay xaal gabagabo, waxaa Reer Tanade looga baahan-yahay in su'aalahaan hoos ku taxan jawaab laga bixiyo iyadoo ujeedadu tahay War Helaa Tala Hela, oo si markaad wax qiimeyneyso saad wax ugu jaangoosto:

1- Ugu horaan sadexdaan jaalle oo hor-boodaya qorshaha magacaabida Ugaasnimada ma la isweydiiyey cida dirsatay oo ay ka socdaan oo iyagu dhaqan ahaan ma niman ka mida reer Ugaas, mise waa niman iyaga ka wakiil ahbaa.
2- Ma Niman ka wakiilaa beesha Tanade oo iyaga dirsaday? mise waa niman ay si gaara u dirsadeen reer maxamed Muumin, mise gudiga guurtida reer xaaji ayaa si gaara u wakiishay.
3- Ma Reer Geesood baa ku yiri anaga cidna shaqo kuma lihine ee afkayaga ku hadla oo ka baxa warka odayaasha, teeda kale reer geesood oo aniga xaga hooyo aan ka mid ahay shaar reer Ugaas ma gashan-kara?
4- ilma Axmed Ugaas yaa ka saaray Reer Ugaas, yaase jideeyey in iyagoo nool la xabaalo
5- Barabugaanka mxamuud Ugaas laga fidiyey yaa fidiyey oo dan ku watay oo warbixin dhinac ka socota ma lagu jaan-goosankara go'aan.
6- ilma Ugaas maxamed oo midkood isagu si toosa wax u doonaya, midna mucaardka Maxamuud Ugaas ku xirmay ma noqon-karaan kuwa gar qaadi-kara, Gartuse xishood iyo qaraabo ixtiraam ma gasha .. Gartu soo alle kaliya ma taqaan?
7- Dhaxlka Ugaasnimada ma waxay ku socota walaal mise dhaxal aabe, misa waa la jiifiyaanaa- banaann.
8- Waxaa igu maqaala ah markii Rabi ha u naxariistee Ugas Axmed caana lagu shubayay ayilla labaataneyo oday oo ka kala socda Tanade ay qoraal saxiix ah ku duugeen in saldanadu markii horeyna dhaxal ku timid, sidaasna ku socon-doonto oo aan laga badali karin. arintaa waa su'aale xage laga maraya




 



 
 


hits Hits : 3968