Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 18 October 2021

Doqon Ha Gargaarsan Hana U Gargaarin .. Amiirki Kambodiya Norodom Sihanouk Oo U Guud Maray Siyaad Bare Sidi Loo inqilaabay

Friday - January 15, 2021



Taariikhda  Dadkey Bartaa Dunida Waayeheeda .. Sanadki 1973-74, waxaa Somaliya booqasho ku yimi isagoo Rugaha ku gur-guuranaaya habeen madow gudaaya Amiir Norodim Sihanouk oo xukmaayey dalka Kambodiya, hasa ahaate marku halkaan iimaaneyey waxay ahayd xili la soo inqilaabay oo wuxuu no yimid isagoo ilmada ka da'aysa ciil la wareersan .. Amiir Sihaanouk waxaa la inqilaabay isagoo safar ugu maqan dalka shiinaha, waxaana afgambigaas ka dambeeyey wasiirkiisi difaaca u ku kalsoonaa Jeneral Lon-Nool.

Amiir Sihanouk oo socdaalkiisa la xariiray inu Siyaad Bare ka dhaadhiciyo xaalada qalafsan ee ka dhalatay dalkiisa iyo isagoo dawlada somaliya ka doonaayey in lagu taageero cambaareynta Inqilaabkaas u hogaaminaayo jeneral Lon-Nool si aan loo aqoonsan. 

Amiir Sihanouk oo sharaxaad siinaayey Siyaad Bare iyo dhawr wasiiro aan ka xasuusto Maxamed Cali Samantar ayaa yiri: Mudanayaal Runta lama dabolo oo afgambiga laygu riday run ahaanti cidna ma eersanaayo oo qayb ayaan ku lahaan-kara, maxaa yeelay talo aanan ruugin ayaan ku rooray, oo waxaan qiraya in maamulkeygi aan ka buuxiyey xubno gudoon xun aan weligood aan gaari fulin-jirin oo geedki dhaafa ku wareera( Badaw) waxaa taas iga sii daran waxaa in badan Rag saaxiibo il-dheer iga digeen in aan jago u qaadan Jeneral Lon-Nool. oo waxaa laygu yiri: Ninkaas Uurkiisa shar baa ka buuxa, oo waa baqal dooqn ah garasho xun ee iska jir, laakiin taladi saaxibada ma qaadan oo waxaan nafsadeyda u sheegay in haddu doqon yahay lagu shaqeysan-karo oo Yes man ii noqnaayo.

Amiir Sihaanouk oo warkiisi si wata ayaa yiri, aad ayaan isugu haleeyey isla shaqeynta Jeneraalkaas, hasa ahaate marki aan safar u aaday dalka China ayaa doqonkaas dabada laga soo qan-jiiriyey oo lagu yiri: War waa jaanis iyo ayaamo wacan ee aad haysate ee la bood xukunka dalka .. Jeneraal Lon-Nool isago aan tixgalin macruufki iyo Aaminaadi aan u qabay iyo marki aan gaarsiiyey halki u doonaayey ayuu iga abaal dhacay, balse dib igu soo kaajay oo inta qaatay bareer aan biyo is marin afgambi milatari igula dhacay, halkaas waxaan ku xasuustay ayuu yiri warki iyo taladi saaxibadi iga sheegeen ee ahayed Doqon ha gargaarsan hana u gargaarin .. Amiir Sihanouk wuxuu warkiisi ku soo gunaanaday oo yiri: Lon-Nool awooda u dalka kula wareegay ma jirto aqoon iyo karti ku abuureyso ee Khamaarka u ciyaaray midna ha u fadhina in ay tahay mid faaiido leh.


hits Hits : 1745