Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Tan Xaqiiqadi Shirka Dhuusamareeb Oo Aan Biyo Is Marin .. Waa La Is Hor-fadhiya Oo Caawa Muran Xoogan Ayaa Hareereeyey Shirka

Wednesday - Feb 3, 2021



Inkasto shirka socda albaabada u laban-yihiin, haddana warka la hayo ayaa sheegaya in muran xoogan u ka taagan yahay ajeendada shirka, waxaana mooda inaan weli la guda galin qodobada shirka, ma daama u weli muran ka taagan-yahay ajeendada la doonaayo in looga wada hadlo shirka.

Shirka ayaa lagu waramaya in loo kala baxay laba garab .. Gurub loo yaqaan Awr kiraale lagu shaqeysto oo u ka mid yahay Qoor-Qoor, lafta-gareen iyo Guud-laawe iyo Farmajo oo usha u haya iyo Garabka kale oo ah Axmed Madoobe iyo Deni.

Madaxweyne Farmaajo oo sida lagu yaqaan daacad xumo macallin u ah, wuxuu doonaya oo weli ku adkeysanaya in ajeendada aan lagu koobin oo qura heshiiski biishi septembar 2020kii ee ka dhacay Villa Somaliya balse lagu soo daro dhawr ajeendo, halka Axmed Madobe iyo Deni oo cunaha haya Farmaajo ay weli ku adkeysanayaan in lagu koobnaado ajeendadi shirki hore oo ah xalinta wax-yaabaha hortaagan heshiiski horay la galay ee mogdisho ku dhacay.

Madaxweyne Farmaajo oo qiil u wax ku baneysto markasta raadinaaya, wuxuu kalo diidan-yahay in laga wada hadlo arinta Jubaland taabaneysa ee gobolka Gedo, wuxuu soo jeediye madaxweynuhu in arin-kaas iyo arinka doorashada la kala saaro

Sida Muuqata Bilawgi shirka ee Saaka illa hadda wax natiijo ah oo la sheego lagama gaarin .. oo caawa waa la is hor fadhiya, laakiin waxaa la odorosaya in shirku fashal ku dhamaan-doono oo beri Farmajo ku noqon-doono mogdisho halkaas oo bisha 5-teeda kula kulmi-doono Baarlamaanka kana codsan-doono in Hal sano dheeraad ah loogu daro xilka madaxweynaha .. Su'aasha taagan ayaa ah ma taagna ma loogu daraya iyo looguma dari-karo ee su'aasha taagan ayaa ah 8-deeda biisha wixii ka dambeya maxaa dhici-doona