Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Caqligu Waa Miisaan Garashooyinka Lagu Cabiro .. Qisadi Xaakimki Caqliga Badnaa

Wednesday - Feb 10, 2021



Nin Ganacsada ah ayaa ceel biyood oo u lahaa ka iibiyey Nin beeraley ah oo lacgtiina qaatay .. Maalinti Ninka beeraleyda ahi u doonay inu ceelka biyo ka dhaansado ayuu u diiday ganacsadihi, waxaanu ku yiri:  aniga ceelka ayaan ka iibiyey ee kama aan iibin biyaha ku jira, oo biyaha aniga iska leh, adiguna ceelka ayaad leedahay ee oday aan is amaan galino, balse haddi aad dooneyso inaad biyo ka dhaansato waa inaad lacagta iska bixisa.

Ninkii beeraaleyda ahaa wuu diiday arinkaasi waxaan uu u tagay Qaadigii magaalada .. Qaaliga ayaa dooda labada dhina dhageystay markii u ka bogtay ayuu ninkii ganacsadaha aha ku yiri: Ninkaan miyaad ka iibisey Ceelka? ha ayuu ku jawaabay ganacsadihi, laakiin kamaan iibin biyaha ayuu raaciyey.

Qaadigga ayaa ugu jawaabay " haddi aad qiratay inaad ka iibisay ceelka, waxaa waajib kugu ah inaad biyaha kala baxdo waayo xaq uma lihiid inuu kuugu ilaaliyo weel aad ka iibisay, haddi kale waxaad bixin-doonta kirada si uu kuugu hayo ceelkiisa biyahaaga.
Taajirkii ayaa gartay inu arinta ku fashalmay, waxaana maxkamada u ka tagay isagoo aad u niyad jabay oo ceeb la khajilsan