Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Mogdishow Waa Salaleysa .. Mucaaradki Oo Ciil Darti Sidi Qunbulad Qaad Cunay Qaraw La Soo Toosa .. Ciidamo Hirif Colaadeed Ka Muuqato Kana Gadooday Halkay Gaartay Sheekada Oo Mogdisho Ku Soo Qulqulaya

Saturday - March 6, 2021



Mogdisho- Warar xqiiqo ah oo laga helaayo ila badan oo wareed ayaa sheegaya in ciidamadi ku jiray aagaga Shabeelada hoose iyo Shabeelada dhaxe ee caabiska iyo la dagaalanka kula jiray shabaabka ay ka soo baxeen oo intooda badan oo illa shalay ay ku soo qul-qulayeen Mogdisho .. ciidamadaas gadoodsan habaaska kicinaaya oo horin horin u socday ayaa la sheegay iney gudaha mogdisho la soo galeen hubkoodi iyo gawaari gaashaaman .. waa sida la sheege ciidamadaas waxaa ka muuqday hogasho ciil iyo hirif colaadeed

Warka ayaa intaa ku daraya in tirada ciidamaadaas halabsanaaya ee Aaga ka soo ruqaansaday ay tiro ahaan dhan yihiin illa Toban Kun oo askari kuwaaso ka kala soo jeeda beelaha ku abtirsada Harti Abgaal iyo Wacaysle iyo qaybo ka mida beelaha Cayr iyo Salemaan .. Sido kale waxaa la xusay in iyagan waa beesha Murursade ay sidaaso kale aagaga ka soo baxeen oo xalay iyagoo hubeysan lagu arkay degaanka Dayniile.

Mar wax la weydiiyey Saraakiisha ciidamadaas hor kaceysa waxay sheegeen ineysan suragal ahayen in gef iyo dagaal lagu qaado madaxdi beesha Hawiye anagana aan milicda ku dhamaano iyo difaac al-shabaab .. waxaa laga sheegay iney ku dhawaaqayaan ereyo ay ka mid yihiin: Gefka iyo xumaanta maamulka talinaaya ee Farmajo gacanta ka laabanmeyno oo madaxdayada inaan garab-siino waa noo gudboon-tahay.

Waxaa saaka mogdisho ka dhex socda durbaan la garaacayo iyo qaylo cumaamadaha madaxa lagu soo duubtay iyo beer-laxaawsiga, iyo khudbadaha qiirada lala hortaagn yahay ee dadka lagu kicinaayo ujeedadu waa baaruud in la buufiyo oo la isku hoobto .. Maxaa la arkay qolo aan difaacno oo Qaran loo miineeyey.