Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Ku Xirnow Taxanaha Akhbaarti Zamanki Hore Ee Anbiyada .. Maalmihi Dhanaanaa Ee Nabi Yuusuf Ay Walaalihiis Ceel Dhexdiis Dhigeen

Wednesday - April 21, 2021


Qisada Nabi yuusuf waxa uu Eebe ku tilmaamay inay tahay qisada ugu wanaagsan, ee ku soo aroortay Quraanka kariimka ah iyo waliba kutubtii hore ee Eebe soo dajiyey .. Nabi Yuusf waxa uu ka soo jeedaa qoys wada Nabiyo ah, sidaa awgeed ayaa loogu yeeraa Kariim, Ibnu Kariim, Ibnu Kariim, Ibnu Kariim. Sidaan la socono Nabi Yuusuf waxa dhalay Nabi Yacquub, Nabi Yacquubna waxa dhalay Nabi Isxaaq, Nabi Isxaaqna waxa dhalay Nabi Ibraahiim (Al-khaliil).

Qisadu waxay ku bilaabmaysaa Nabi Yuusuf oo ku arkay Riyo 11 Meerayaal, Qorraxda iyo Dayaxa oo u sujuudsan, Nabi Yuusuf waxa uu uga warramay riyadiisa aabihii Nabi Yacquub CS.

Nabi Yacquub waxa uu gartay in wiilkiisa yar, la imtixaani-doono markaasuu ku yiri wiilkaygoow “ha uga warramin riyadaada walaaladaa, sababtoo ah Nabi Yacquub waxa uu dareemay in Yuusuf walaaladii ay xasdiyaan, Shaydaankuna ku diri karo .. Nabi Yacquub waa jeclaaday wiilkiisa Yuusuf, maadaama uu ku arkay sifooyinkii Nabiyada iyo akhlaaqdiisa wanaagsan darteed.

Nabi Yuusuf walaaladii oo ahaa 10 Wiil oo isku hooya ah, ayaa xasdi u qaaday Yuusuf iyo walaalkii Binyamin. Waxay dareemeen in aabahood uu aad u jecel yahay Yuusuf iyo walaalkii Binyamin. Waxayna is waydiiyeen siday u dhici karto in aabahood ka fadilo Yuusuf, ayagoo koox xoogan ah .. Waxay aabahood ku eedeeyeen inuu ku sugan yahay baadi, oo arrintaasi aanay sax ahayn.

Maalin maalmaha ka mida ayaa Yuusuf walaaladii tashadeen oo go’aamiyeen inay ka takhalusaan Yuusuf kadibna ay kusoo haraan ayagu aabahood, oo dabadeena ka toobad keenaan dambiga.

Mid ka mida walaaladii ayaa yiri ha dilina Yuusuf, ee ku tuura Ceel salkiis, ha qaataan dadka safraa. Go'aankii ayey isku raaceen kadibana waxay u yimaadeen aabahood Nabi Yacquub oo ku dhaheen "Aaboow maxaad noogu aamini la’dahay Yuusuf annagoo u nasteexaynaya, nala dir barri si uu noola cayaaro waanan ilaalinaynaa” Sidoo kale waxay jacayl been ah u muujiyeen walaalkood Yuusuf oo ah wiil yar oon qaangaarin.

Yuusuf wuxuu mooday inuu la cayaarayo walaaladii, oo markii ugu horreysay uu la baxayo walaaldii, sababtoo ah waqtiga inta badan waxa uu la qaadan jiray aabihii, walaaladiina waxay umuujin jireen cadaawad iyo xiqdi .. Nabi Yuusuf ma dareensanayn inay walaaladii dhagar u maleegeen, habeenkii waxa uu ku seexday isaga oo faraxsan oo isleh waxaad la cayaari walaaladaa.

Nabi Yacquub CS wuxuu yiri "waxa i warwar galinaysaa inaad la tagtaan Yuusuf kadibna Yaugu cuno idiinkoon ogayn" .. Yuusuf walaaladii waxay dhaheen siduu Yaugu u cunayaa annagoo ah koox, hadday dhacdana waxaan ka mid nahay kuwa khasaaray.

Nabi Yuusuf CS waa faraxsanaa, oo wuxuu maqlayey walaaladii oo ballan ka qaadayey aabahood inay ilaalinayaan hase ahaatee Nabi Yacquub wuu dareemay inay jirto dhagar qarsoon.

Nabi Yacquub waa ku aaminay wiilkiisii yaraa walaaladii, waanay la tageen Yuusuf kadibna ka saareen shaatigii uu sitay, kuna tuureen Ceel salkii, ayagoo ku qoslaya oo ku leh Yuusufoow aabahayo wuu ku jeclaa, maantana waxaad ku jirtaa ceel salkii, halkaas bayna kaga tageen.

Yuusuf waxa uu qabsaday dhagax yaalay Ceelka salkiisa, kadibna waa u yeeray walaaladii laakiin dheg umay dhaadhicin ee way iskaga dhaqaajiyeen.

Nabi Yuusuf waxa uu dareemay cabsi, waxaanu xasuustay aabahii iyo sidii uu ujeclaa iyo sida ay walaaladii intay Ceel dhigeen uga dhaqaajiyeen .. Yuusuf waxa uu ceelka ku jiray dhawr maalmood, waxaanu dareemay Gaajo iyo wahel la’aan sidoo kale mugdiga ceelka iyo cidlada ayaa usii dheerayd.

Walaaladii waxay gawraceen Lax, kadibna shaatigiisii ayey ku masaxeen dhiigii, waxyna u tageen aabahood xilli habeena ayaga oo oynaya, waxayna ku dhaheen aabahood oo aad uga warwarsanaa oohintooda, Aaboow waanu tagnay annaga oo ordayna (baratamayna), Yuusufna waxaan kaga tagnay maryahayga si uu ilaaliyo, waxaana cunay Waraabe.  Markaasay siiyeen shaatigiisa oo dhiig been ah leh, kadibna Aabahood Nabi Yacquub waxa uu yiri "saas ma ahee ee naftiinu waxay idiin qurxisay arrin, aniguna waan samri, Eebahayna waan talo saran.

Nabi Yuusuf CS intuu ceelka ku jirey ayaa Eebe u waxyooday, inuu maalin maalmaha ka mida walaaladii uga warrami doono waxay ku sameeyeen .. Nabi Yacquub waxa uu gudo galay inuu Eebihii baryo, kuna samro dhibta soo gaartay. Dhanka kale ceelkii agtiisii waxa yimid dad socota ah oo doonay inay waraabiyaan xoolahooda.

Kadib waxay dul yimaadeen ceelkii, markaasay tuureen dalawgi si ay biyo usoo qaado, markuu Yuusuf dareemay in dad dul joogaan ayuu qabsaday dawligi .. Dadkii socotada ahaa ayaa dhahay dawligu way culustayhay, kadibna way is caawiyeen oo soo saareen dawligi, si lama filaana ayey u bushaareysteen oo dhaheen waa bushaaro waa Wiil yar! .. Dadkii socotada ahaa waxay ka tageen Falastiin ayaga oo ku wajahan wadanka Masar, si loo gado wiilka yare e ay heleen.

Nabi Yuusuf waxa uu noqday Adoon la kala gato, kadibna waxay ku iibiyeen qiimo aad u hooseeya. Waxa marki dambe gatay boqorki Masar oo geeyey gurigiisa, waxuuna ugu dambeynti noqday xaakimki Masar, halkaas mar dambe ay u yimaadeen Waalidiintiisa iyo walaalihiisa oo wada socda