Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Ku Taxnow Taxanaha Akhbaarti Zamanki Hore .. Qiso Laga Wariyey Rasuulkeeni Maxamed SCW " Nin Naar Ku Galay Walaalki Oo U Ku Yiri: Walaahi In Aan iLaahay kuu Dambi Dhaafeyn"

Friday - April 23, 2021


Caalimki Abuu Daawuud ayaa Abuu Hurayra ka wariyay in uu yiri: Nabiga (scw) waxaan ka maqlay qisadaan: Labo nin oo reer Banii Israaiil ah ayaa walaalo ahaa, midkood waa dambaabi jiray, kan kalena cibaadada ayuu ku dadaali-jiray .. Kan cibaadada ku dadaala wuxuu arki jiray kan kale oo dambi un ku jira, wuxuuna ku oran jiray: war ka joog .. dabadeed Maalin ayuu la kulmay isaga oo dambi ku jira, markaas ayuu yiri: war ka joog, markaas kii dambiga falaayey ayuu ku yiri: isu kaaya daa aniga iyo Rabbigay, oo adiga ma ilaaliye ayaa la iiga kaa dhigay cajib cajib?

Walaalki cibaadada ku dalaai jiray ayaa jawaabtiisi ku yiri : Wallaahi in aan ILaahay kuu dhaafayn ama uusan jannada ku galinayn .. Alle ayaa labadoodii nafta ka qaaday, markaas ayay ku kulmeen Alle agtiisa, markaas Alle kii ku dadaali jiray ku yiri: ma aniga ayaad I ogayd? mise waxa gacantayda ku jira ayaad awooddaa in aad diidid?. Kii dambiilaha ahaana wuxuu ku yiri: orod oo jannada ku gal naxariistayda, kii kalena wuxuu ku yiri: Naarta geeya! .. Abuu Hureyra ayaa yiri: Allaha naftaydu gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye wuxuu ku hadlay kalimad halaagtay adduunyadiisa iyo aakhiradiisa.

Faa’iidada qisadaan: In Ilaahay laga sheego wax aan aqoon loo lahayn waxay ka mid tahay dambiyada kabaa’irta ah ee Alle caro galisa, waxaana ka mid ah hadalka ninkaan ee ah: wallaahi in aan Alle u dhaafayn hebel, maxaa yeelay Alle raxmadiisu waa waasic, qofkii uu doono ayuu u dambi dhaafaa, qofkii uu doonana wuu cadaabaa, qofkii uu doono wuu hanuuniyaa, kii uu doonana wuu baadiyeeyaa, wixii uu doono ayuu falaa, lama weydiiyo waxa uu sameeyo ee addoomada ayaa la weydiiyaa waxay faleen .. Alle wax cajsi galin-kara ma jiraan, waxa uu qadarayna waa ina ka qarsoon yihiin oo ma ogin cidda uu u dambi dhaafi doono iyo cidda uu ciqaabi doono midna.

Qiisada gabagabadeeda waa Qofna camalkiisa janno kuma galayo ee naxariista Ilaahay ayaa lagu galaa, camalka saalixa ahina sabab ayuu u yahay ee isagu janno ma gooyo. Rasuulkeennu (scw) wuxuu yiri: qofna jannada camalkiisa ku gali maayo, markaas ayay ku dheheen ma xataa adigana?, markaas ayuu yiri: xataa aniguna, in Ilaahay raxmadiisa igu daboolo mooyee).