Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Ku Taxnow Taxanaha Akhbaarti Zamaanki Hore Ee Anbiyada .. Dacaayadi Hu-Haada Reer Bani Israaiil Ay Ku Nabeen Nabi Muuse Iyo Sida Alle Uga Bari-yeelay

Saturday - April 24, 2021




Sida laga xigtay Rasuulkeeni Maxamed SCW, Nebi Muuse wuxuu ahaa Nin xishood badan oo is- astura, laakiin qoomkiisi oo markay qubeysanayaan iyago qaawan qaarba qaar eegayaan aan kala xishoon, halka Nabi Muusana u xishood dartid keligis meel gaara ku qubeysta, taa darteed qoomki Reer bani israaiil waxay dacaayad ku fureen Nabi Muuse oo yiraahdeen: Muuse wuxuu dharka isugu duuduubaya waa jirn yahay oo cudurka Baraska ayuu qaba, teeda kalana wuxuu leeyahay Sheelo
 
Kadib Alle ayaa doonay in uu ka bari yeelo waxa qoomkaas ay Muuse ka sheeg-sheegayaan, markaas ayuu maalin qubeyskiisi gaar ku noqday, deeto dharkiisii ayuu dhagax dulsaaray, ka dibna wuu mayrtay, markii uu dhammaystay ayuu soo aaday dharkiisii si uu u qaato, waa amar alle dhagixii ayaa la cararay Maradiisii, markaas ayuu Muuse isago qaawan ushiisii ka dabaqaatay oo ay iskula meereysteen dadki reer bani israaiil, waxay arkeen isaga oo qaawan, markaas ayey yiraahdeen: Alla bal arka quruxda alle Muuse u abuuray iyo sida qoorihiisa u quruxsan-yihiin oo walee wax baasa ma qabo

Nabi Muuse wuxuu dhagaxi ka daba ordaba wuxuu ku garaacay Ushiisi, kadibna marku istaagay dhagaxi maradiisi ka qaatay oo xirtay .. Alle ayaa quraankiisa ku xusay: "Dadka Mu’miniinta ahow ha noqonina kuwii Muuse dhibay oo kale oo uu Alle ka bari yeelay wixii ay ku sheegeen.’’
Rasuulkeeni Maxamed SCW, wuxuu yiri: Xishoodka kuligo waa kheyr .. xishoodku iimaanka ayuu ka mid yahay.

Faaiidada qisadaan: 1- Xadiiskan waxaa ku jira labo mucjiso oo ah: dhagaxa la cararay Maryihii Muuse iyo saamaynta ushu ku samaysay dhagaxa ..  iyo Dadka dhibtooda cidina ka nabadgali mayso Nabiyaashana Alle ha ka dhigee .. Dadka diinta xambaarsan cadawga islaamku si gaara ah ayuu sumcada uga dilaa dadkana ugu dira, Hadaba waa in la digtoonaado dhalaaceynta culimada iyo madaxda dalkeeda ku xukunta shareecada islaamka .. Nabiyaashu iyagaa dadka ugu kaamilsan xagga abuuritaanka iyo xagga akhlaaqdaba; maxaa yeelay Alle wuxuu u xulay xambaaridda diintiisa kuwii dadka ugu fadliga iyo khayrka badnaa.
Tawraad iyo sharecooyinkii kale ee ka horreeyay Nabi Muxammad (scw) uma suubana in lagu dhaqmo saman kasta balse Diinta islaamka oo qur ah ayaa shaqaynaysa ilaa qiyaamaha.