Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Ku Taxnow Taxanaha Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waa Qiisadi: Quraanjoy Gala Guryihiina Yeeyna Idin Jajabin Suleman Iyo Ciidankiisa

Sunday - April 25, 2021






Maalin ayaa nabi Suleymaan Cs. waxa uu la baxay ciidankiisii oo ka kooban Jinni, Insi iyo Shinbiro. Jinka iyo Insigu way barbar socdeen halka Shinbiruhu dushooda ay haraynayeen .. Ciidankan oo isla haysta ayaa soo gaaray waadiga ama togga Quraanjada markaasbay Quraanjadii Tiri : Quraanjooy Gala Guryihiinna Yeyna idin Jajabin Sulaymaan iyo ciidankiisu ayagoo idin Ogayn. 

Waxa cajiib ah in Quraanjadani ay amartay quraan-jooyinkii kale, una digtay sidoo kalena cudur daar u muujisay Sulaymaan iyo ciidankiisa .. Markuu Nabi Suleymaan maqlay codka iyo dhawaaqa Quraanjada ayuu dhoola cadeeyey oo qoslay oo yiri: Eebow i waafaji inaan kaaga mahadiyo nimcada aad iigu nimcaysay aniga iyo waalidkay iyo inaan falo camal wanaagsan oo aad raali ka tahay 

Mucjisada Quraanjada :
Qisadaan oo laga xigtay Aayadaha quraanka sharafta leh waxa ku dheehan mucjisooyin aad u fara badan, waxaan oran karnaa kalmad kasta oo aayadan ka mid ah waxa ku jira icjaas cilmi ah .. kalmadaha hore ee aaydan waxay tibaaxaysaa in Quraanjadu leedahay Tog ama waadi ay degto halkaas oo ay ku taranto, kuna ababto oo ku nooshahay nolol dabiici ah sida Basharka, hasa ahaate Cilmiga maanta waxa uu xaqiijiyey in Quraanjadu tahay cayayaanka kaliya ee xaga nidaamka shabaha Bani Aadamka .. waxay ku nooshahay Guryo dabaqyo ah, Quraanjo-kasta qol ay seexato oo ku nasato ayey leedahay, waxay leedahay suuq ay alaabada ku kala gataan ..  Tusaale ahaan quraanjada kaydsatay Caleen ama Xabad Digir ah waxay saaxiibadeeda kale kaga badalataa wax-yaalo kale oo aanay haysanin. Waxa cajiiba qololka dabaqyada ah ee ay Quraanjadu ku jiraan waxay leeyihiin wadooyin sida laamiga ah oo kale oo marka taraafikadu wado ku badato waxay si layaab leh u tagaan wado kale oo taraafikadu yar-tahay ..  Quraanjadu waxay leedahay hab kala danbeyneed, waxay leedahay Boqorad, taliyayaal iyo shaqaale. 

Arrintaa la yaabka leh ayuu Ilaahay ugu abaal guday inuu Quraankiisa ku cadeeyo in cayayaanka yar-yar ee dadku aysan la mid yihiin ama kaba heer sareeyaan nolosha Basharka ..  Dhowaan ayaa la ogaaday in Quraanjadu xiriir iyo cilaaqada basharka oo kale ay leeyihiin, laakiin Eebe waxa uu Muslimiinta uga waramay 1400 oo sano kahor.