Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Ku Taxnow Taxanaha Akhbaarti Zamaaki Hore .. Laba Nin Oo Fir Ku Abtirsaday Oo Mid Janno Ku Galay Midna Naar Ku Galay

Monday - April 26, 2021


Qiisadaan oo laga wariyey Rasuuleeni Nabi Maxamed SCW, waxaa jiray Labo nin oo ka mida Reer bani israaiil ayaa isu Abtirsaday xilligii Nabi Muuse, markaasaa midkood yiri: waxaan ahay ina hebel hebel ilaa uu tiriyay Sagaal oday ee adigu yaad tahay hooyo beele? Markaasaa kii kale yiri: waxaan ahay ina hebel hebel islaam .. Markaas Alle ayaa Nabi Muuse CS u wax-yooday in uu ku dhoho: Labadiinaan abtirsaday: kan Sagaal oday oo Naarta ku jira ku abtirsadayoow adigaa Naarta ku tobaneeya .. Kan labo oday oo Jannada ku jira ku abtirsadayoowna adigaa ku seddexeeya Jannada.

Faa’iidooyinka xadiiska la wariyey:
Xadiiskaan la wariyey, wuxuu tusayaa in ninkaani ugu faanay walaalki awoowayaal gaalnimo ku dhintay oo uu u arkayay inay ka muhiimsan yihiin kuwa ninkaan kale ku abtirsado .. Nabigeena Maxamed (SCW) wuxuu sheegay: in abtir isugu faanku yahay dhaqan jaahili ah oo aysan ummaddiisu ka tagayn .. Dhanka kale waxaa ka muuqata in uu liidayo ama durayo abtirka ninkaan kale oo walaalkiis ah. In la duro nasabka dadku waxay ka mid tahay dhaqamada jaahiliga ahaa oo Nabeegeennu (SCW) uu sheegay in aysan ummaddiisu ka tagayn .. Waxaa kale oo Nabigu (SCW) yiri: Qofka waxaa dambi ugu filan in uu walaalkiis muslimka ah xaqiro (liido). Haddaba waa in si weyn la isaga ilaaliyo khatartaas.

Rasuulku (SCW) wuxuu digniin adag ka baxshay abtir ku faanka, ciddii aan ka harina Ilaahay agtiisa waxay noqonayaan kuwa ka liita doorshaanka (xaar walwaal) saxarada sanka ku dilindileeya .. Waa musiibee: Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

Xadiisku wuxuu ina barayaa in fasaadka iyo qallooca lagu saxo warinta akhbaarta dadyawgii hore. Nabigeennu (SCW) wuxuu u wariyay nimankii isu faanayay qiso la mid ah qisadooda; si ay ugu cibra qaataan oo uga haraan dhaqankaas xun.

Islaamku wuxuu si cad oo adag uga digayaa casabiyada iyo fir ku faanka. Waxaa kale oo aan la ogolayn in tolka lagu raaco baadilkooda ama loogu hiiliyo dulmi.