Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Qisaska Akhbaar Zamaanki Hore Waa Taariikh Lagu Cibrad Qaato .. Qisadi Habarti Reer Bani Israaiil Iyo Nabi Muuse SCW

Wednesday - April 28, 2021




Ilaahay wuxuu Nabiga (SCW) ku amray in uu dadka uga qiseeyo qisooyinka uu og-yahay si ay ugu fakaraan xaaladaha ummadihii hore, amase ugu daydaan hadday wanaagsan yihiin, ugana dheeraadaan falalkooda hadday xumaayeen .. Alle wuxuu yiri: Qisooyinka uga qisee ; si ay ugu fakaraan.

Waxaa la wariyey in Rasuulka (SCW) u ku soo degay nin reer Miyi ah, markaas ayuu soo dhaweeyey oo si sare u karaameeyay, markaas ayuu Nabigu (SCW) ku yiri: Ninkaaga reer miyigoow i weydiiso dantaada .. Markaas ayuu ninki yiri : Rasuulka Alloow: Hal Reeryaysan iyo Riyo Reeruhu ii maalaan .. Markaas ayaa Rasuulku (SCW) ku yiri: War ma kari-weyday in aad noqotid sidi Habartii reer Banii Israa’iil oo kale?.

Deeto Asxaabtii oo warka maqleysay ayaa waxay dheheen: Rasuulka Alloow (SCW) maxay ahayd Qisada Habarta reer Banii Israa’iil? Markasuu Nabigi sidaan ugu jawaabay: Muuse ayaa doonay in uu reer Banii Israa’iil dhulka Masar ka saaro oo la boxo, markaasuu jidkii u mari lahaa ka dhumay .. culimadii reer Banii Israa’iil waxay Nabi Muuse ku dheheen: Anagaa kuu sheegayna oo Yuusuf ayaa ballan Ilaahay nagaga qaaday in aanaan Masar ka bixin ilaa aan lafihiisa qaadno.

Markaas ayuu Muuse yiri: qofkiinee yaqaan qabriga Yuusuf?. Waxay dheheen: qabriga Yuusuf cid aan Habartaas reer Banii Israa’iil ahayni ma yaqaan, markaas ayuu u cid diray, wuxuuna ku yiri: i Tus qabriga Yuusuf .. Markaasay ku tiri: Wallaahi in aanan yeelayn ilaa aan balan qad helo inaan jannada kula galaayo.

Nabi Muuse (SCW) wuxuu dhibsaday Habarta hadalkeedi, markaas ayaa xaga Alle looga wax-yooday oo lagu yiri: sii dalabkeeda, markaasuu siiyay, markaasay tustay meel Biyuhu ku uruuraan markaasay tiri: dhura biyahaan, markay la dhuray ayay addana tiri: qoda halkaan, markay qodeena waxaa laga helay lafihii Nabi Yuusuf CS .. Markii ay dhulka ka qaadeenna waddadii waxay u noqotay sida iftiinka maalinta oo kale.

Maxaan ka faa’iidaysanaynaa qiisadaan xadiiska ah?

- Martigalintu waa wax xaq loogu leeyahay qofka muslimka ah. Mu’minka waxaa saaran in uu karaameeyo martidiisa, waana sida uu yeelay ninkaas saxaabiga ah oo reer baadiyaha ahaa.

- Diinteennu waxay inaku boorisay in qofka ixsaan loo galo uu ka abaalgudo, Duca kaliyaba Alle ha ka dhigee, waana arrin dhaqan u ahayd Rasuulkeenna (SCW), sidaa darteed ayuu ku yiri ninkii marti sooray oo karaameeyay: sheego dantaada.

- Ninkii ma haleelin in uu Rasuulka wax weyn oo adduun iyo aakhiro anfaca weydiisto ee wuxuu su’aashay wax yar oo adduunyo kaliya ah. Taasna Rasuulku (SCW) ma garaysan; maxaa yeelay nin Mu’min ah oo og in uu Rasuulkii (SCW) dalab u sheeganayo ma qabato in uu wax sidaa u hooseeya sheegto, illeyn Mu’minka waxaa lagu yaqaanay hanweyni iyo inuu meel sare ka fakaro. Kolkaas ayaa Nabigu (SCW) tusay asxaabtii in sida habartaas loo hanweynaado ee aan wax liita hadaf laga dhigan.

- Eeg Nabigii Muuse Ilaahay ayaa ku khasbanaaday in uu Habar wax weydiiyo oo waliba ay shuruud ku xiraysaa, isna ka yeelayaa; si uu dadkiisa jid toosan u mariyo. Ka waran haddii la yiraahdo waa Habare inaga daaya?.

- In ay ummadihii hore ku jireen dad khayrka aad ugu han weyn sida Habrtaan. Asxaabta Nabigeenana (SCW) dhaqan bay u ahayd in ay ka fakaraan oo raadshaan meelo sare. Tusaale ahaan: markuu Nabigu (SCW) ka waramay todobaatan kun oo ummaddiisa ah oo jannada xisaab la’aan iyo cadaab la’aan galaya, waxaa soo booday Cukaasha ibnu Mixsan oo yiri: Rasuulka Alloow (SCW) Alle ii bari in uu igu daro.

- Qisadani waxay tusaysaa sida Rasuulku (SCW) uu asxaabtiisa iyo ummaddiisa ula jeclaa khayrka iyo han-weynida, uuna ugu boorin jiray mar kasta oo fursadi soo marto raadinta darajooyin sare, tusaale ahaan wuxuu ku yiri asxaabta: haddaad Alle janno weydiisataan Firdawsa weydiista maxaa yeelay; waa meesha jannada ugu sarraysa, uguna wanaagsan, webiyada jannaduna ka soo burqadaan.