Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Ku Taxnow Taxanaha Akhbaarti Zamaanki Hore .. Qisadi Nabi Salemaan CS Iyo Hilmaankiisi Kalmada Ah " Inshaa Allaah"

Sunday - May 2, 2021


Nabigeeni Maxamed (SCW) ayaa laga wariyey inu yiri: Nimi Suleymaan CS isagoo aan oran "Inshaa Allaah" ayuu yiri: Wallee caawa waxaan isu marayaa Sagaal iyo Sagaashan Xaas oo mid waliba qaaddo wiil fardooley ah oo jidka Ilaahay ku jihaada .. Xaasaski u habeenkaas isu maray wax uur ah may qaadin, hal mid oo dhashay ilmo jeex ah mooyee ..  Nabigu (SCW) oo qisadaas tabinaaya wuxuu yiri: haddii uu oran lahaa "In shaa’ Allaah" way u shaqeyn-lahayed oo mid waliba waxay dhali-lahayed Wiil Jihaada.
Riwaayadaha qaar ayaa caddeeyay in Malak u Nabi Suleymaan ku yiri "In Shaa’ Allaahu dheh" balse u hilmaamay.

Faa’iidooyinka Qisada ku jira:
1- Qisadu waxay ku tusaysaa sida dadka saalixiinta ahi u jeclaayeen inay dhalaan Ubad suuban oo jidka Alle ku jihaada, sida uu Nabi Suleymaan u jeclaystay in uu dhalo tiradaa badan ee ilmaha ah.

2- Waxaa u banaan qofka in uu ka waramo waxa uu filayo mustaqbalka inay dhacayaan, uuna ku dhaarto sida Suleymaan yeelay, waxaase saaran in uu ku xiro arrinta doonista Ilaahay oo uu dhoho "In shaa’ Allaah" Qofkii ku dhaarta wax mustaqbal ah, isla markaana dhaha: In shaa’ Allaah ma dambaabayo.

3- Malaa’igtu waxay addoomada xusuusiyaan khayrka, wayna ku booriyaan, halka shayaadiintu sharka xusuusiyaan, kuna booriyaan.

4- Nabiyaasha iyo dadka wanaagsan sarbeeb ayay u isticmaalaan wax-yaabaha laga xishoodo, sida nabi Suleymaan u yiri: wallee caawa waxaan ku soo wareegayaa boqol xaas. Si qayaxan uma sheegin waxa uu samaynayo.

5- Shareecadii Nabi Muuse waxaa ku bannaanayd in ninku guursado dumar aad u farabadan, shareecada islaamkuse ma ogola afar ka badan.