Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Qofka Noloshiisa Xumaan Ama Ficnaan Waxaa Ka Hara Raad Iyo Taariikh Aan La Tir-tiri-karin .. Ninki Dilay Senator Robert Kenedy Oo Shuruud Lagu Sii Daayey

Monday - August 30, 2021




Guddiga garsoorka ee Kalifornia ayaa ogolaaday in si shuruud ku xiran xabsiga lagu si daayo Bishaar Sarxaan oo ahaa ninki lagu eedeeyey dilki Senatoor Robert Kanedy oo markaas ku jiray olole u ku doonaayey kursiga madaxtooyada ee guriga cad sanadku marku ahaa 1968, wuxuuna ka sharxnaa dhinaca xisbiga Dimuqaraadiga .. Dilka Robert wuxuu yimid, mar bilo laga joogay dilki Martin Luther King oo isagu u dagaalaayey xuquuqda dadka Madaw

Sarxaan Bishaar oo markaan ku jira cimri 77 sano, wuxuu asal ahaan ka soo jeeda Qoys reer falastiin oo degan magalaada "Rama-laah" .. Sarxaan Bishaar oo lagu eedeyey dilka Senator Robert Kenady ayaa sanadki 1969 marki u qirtay danbiga lagu xukumay dil, hasa ahaate muddo kadib ayaa loo khafiiyey oo xabsi daaiim loogu badalay.

Laakiin dadka iyagu wax baara ayaa shaki badan ka muujiyey falka lagu eedeeyey Sarxaan Bishaar oo ku dooday in falka lagu dilay Robert Kenedy usan hal qof fulin, balse qaabka wax u dhaceen usan dilka ku koobneyn Sarxaan Bishaara oo kaliya ee ay jiraan dad kale oo dilkaas wax ka fuliyey, waxayna taas qiil uga dhigteen in Rasaasta madaxa uga dhacday Sentarka ay uga timid xaga gadaal, halka eedeysanaha Sarxaan u xiligaas hor taagnaa senatorka.. teeda kale Robert waxaa ku dhacdaay 13 Rasaas, halka Eedeysane Sarxaan bustoolada u haystay ay qaaday 10 Rasaas

Dhinaca kale qoyski Robert ayaa si buuxda u ogolaaday go'aanka shurudeysan ee lagu si daayey Sarxaan Bishaar .. Rag ka mida qoyska Robert Kanadey oo marar kala gadisan ku booqday Sarxaan Bishaar Xabsiga u ku jiro waxay ku qanacsanaayen in Eedeynta Sarxaan Bishaar ay tahay Timir laf baa ku jirta oo meesha dambilihi runta maqan yahay