Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Hooyoy Ifka Hibo Ku Noolow Aakhiro Halki Roon .. Qiiso Diini Ah Oo Aad U Xanuun Badan Dhacdeyna Xiligi Rasuulka CSW

Monday - August 30, 2021




Waxaa la yiri waqtigii Rasuulka CSW, inuu jiray Wiil dhalinyaro ah oo la yiraahdo Calqama, Wuxuu
ahaa mid aad ugu dadaala daacada ilaahey, Salaadda, Soonka iyo Sadaqada, dabadeed wiilki Wuu Jiradey waxaana aad u adkaatay Jiradiisa .. Xaaskiisa ayaa waxay u tagtay Rasuulka CSW, waxeyna ku tiri:- Rasuulkii Alloow:- Ninkeyga Calmaqah wuu jiran-yahay, waxaan dooney inaan ku ogaysiiyo
Rasuulkii Ilaahayoow xaalkiisa .. Rasuulka CSW, wuxuu u direy saxaabad ay ka mid yihiin Cammaar, Suhayb iyo Bilaal wuxuuna ku yiri:- u taga oo shahaadada u qabta.

Saxaabadi wey aadeen, guriga ayeyna ugu galeen, waxey arkeen asaga oo harjadaya oo ay Naftu
dhibeyso, waxey u meeriyeen Towxiidka ( laa-ilaaha ila laah ) laakiin Carabkiisu ma awoodin inuu ka daba dhaho .. Saxaabadi waxey u cid-direen Rasuulka CSW, iyagoo u sheegay inuusan Carabkiisu karin shahaadada,  Nabigi CSW Wuxuu yir: Labadiisa waalid mid ma Nool yahay?. Waxey dhahen:-Rasuulkii Alloow, Hooyo Da’ ah, ayaa dhashay. Kolkaas ayuu Rasuulka CSW, yiri Hooyada ha leeygu yeero, Kuna dhaha hadaad u tagi kartid Rasuulka CSW, ayaa kuu baahan, haddii kale Gurigaga Joog ilaa uu kuu yimaado.

Wuu u tagey wuuna u sheegay akhbaartii Rasuulka CSW, waxeyna tiri:- nafteyda naftiisa waan ku
furanayaa, Anigaa mudan inaan u Tago Rasuulka CSW.. wey Cuskatey oo waxey ku istaagtey UL, waxey u timid Rasuulka CSW, weyna salaantey, wuuna ka qaaday salaanta, wuxuuna ku yiri:- Hooyadii
Calqamah Run ii sheeg hadaad been ii sheegtid Waxyi baa Alle xagiisa ka imaan:- See ahaan jirey
xaalka wiilkaaga Calqamah?. Waxay ku tiri:- Rasuulki Alloow wuu Salaad badnaa, wuuna Soon badnaa, wuuna Sadaqo badnaa. Ka dib wuxuu Rasuulka CSW, ku yiri: Xalkaagu waa sidee Adiga? waxey tiri:- Rasulkii Alloow waan ka Carays nahay Isaga. kolkaas ayuu yiri Rasuulka CSW:- Sabab?.
waxeyna tiri:- Xaaskiisa buu dhankeeda u badnaa,wuuna i Casin jirey. Rasuulka CSW wuxuu yiri:- Carada Hooyada Calqamah ayaa ka Dabooshey Carabkiisa Ashahaadada. ka dib waxaa uu yiri:- Bilal soco oo ii keen Xaabo badan. Kolkaas ayey tiri Hooyada Calqamah:- Rasuulkii Ilaahayow maxaad ku
Samaynaysaa Xaabada? Wuxuu yiri Rasuulka CSW:- Hortaada ayaan ku Gubayaa. waxey tiri:- Rasuulkii Alloow Qalbigeyga ma Awoodo in aad Wiilkayga Dab ku Gubto Aniga
hortayda. Wuxuu yiri Rasuulka CSW:- Hooyadii Calqamaay Cadaabta Alle ayaa ka Daran, Hadaad Rabtid inuu Ilaahey ka Raalli noqdo, Adigu Raali ka noqo .. Ilaaheyga Nafteyda ay Gacantiisa ku jirtaan ku Dhaartaye waxba Tari meeyso Salaadiisa, Soonkiisa iyo Sadaqadiisa, haadii aad adiga ka Caraysan tahay. 

Waxey tiri Umu Calqamah:- Rasuulkii Alloow waxaa Marag ka ahey Ilaahay Sareeye, Malaa’igtisa iyo
Muslimiinta waxa jooga halkaan inaan Raali ka ahey Wiilkayga Calqamah. Intaas ka dib Rasuulka CSW, wuxuu yiri: Bilaal u Tag oo soo fiiri inuu awoodo shahaadada iyo in kale? waxaa suurto Gal ah iney Hooyadaa Calqamah ku Hadashey Qalbigeeda waxaan jirin oo ay iga xishootay Aniga.

Bilaal wuu u tagey wuxuu maqley Calqamah oo ku Dhawaaqaayo Towxiidka
(laa-ilaaha ila laah), Bilaal ayaa soo Laabtay wuxuu yiri:- Carada Hooyadiis ay ka Carootay ayaa Carabkiisa u Diidey inuu Ashahaato, Raali markey ka Noqoteyna waa kaas ashahaatay. intaas ka dib wuu Dhintay. Isla maalinkii waxaa yimid Nabiga CSW, wuxuu Amray in la Dhaqo oo la Karfano, kadib wuu ku Tukadey, wuuna ka Qeyb galay Aaskiisa, ka dib buu yiri:- Qabrigiisa agtiisa asago taagan
(Muhaajiriin iyo Ansaareey Qofkii ka Fadila xaaskiisa Hooyadiis (micnaha qofkii Xaaskiisa ka weyneeyo Hooyadiisa) waxaa Korkiisa ahaatay Nacallada Ilaahey iyo tan Mala’igta iyo tan Dadka
Dhamman, Ilaahey ka Aqbali maayo Wax yar oo Wanaag ah ilaa uu u Towbad keeno Alle kor
ahaaye, uu u Samafalo Hooyadiis, uu dalbo raali ahaanshaheeda, Ilaahey raali ahaanshihiisa waa iney raali kaa tahay Carradisana waa Carradeeda. Wabillaahi Towfiiq.