Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Mogdisha Caawa Ciil Iyo ILka Jiririqsi La Jiifta .. Ikraan Tahliil Oo Meydkeedi Diyaafad Looga Dhigay Wuxuushta Duur Joogta Oo Xuurka Iyo Waraabaha Ka Duceeyey

Thursday - September 2, 2021



Warar la xaqiijiyey oo waliba ka soo baxay dhinaca Nabadsugida qaranka ayaa lagu cadeeyey in Ikraan Tahliil ay gacanta u gashay Al-Shabaab kadibna ay duurka ku gawraceen .. warkaas fal-falxumada ah oo bulshada somali aad uga gocatay, gadood oo carana dhalisay waxaa isla markiiba cagta cagta u saaray siyaasiyiin Mucaarad ah oo sheegay in hagar-daamada dilkaas gabadha loo geystay ay kor iyo hoosba u ka dambeeyey Fahad Yaasiin ee arliga dumuq ka siiyey

Xildhibaan ciil dibinta la ruugaaya Mahad Salaad oo isagu dhambaal-sidihiisa ku soo daabacay warbixinta gabadhaas ayaa toosa u eedeeyey taliyaha nabadsugida Fahad Yaasiin in isagu dilkaas ka dambeeyey, loona baahanyahay in la furo gal dacwadeed Fahad ka dhan ah .. Mahad salaad ayaa sido kale yiri Fahad intu afduubay oo dilay ayuu haddana xabaasha ku hubsaday, waa in Raiisal wasaaraha Rooble si deg deg ah xilka uga qaado.

Waxaa isagana dhinac weerar ka qaaday Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo yiri: Caqli gal ma aha in Ikraan Tahliil oo in ka badan labo bil la waysanaa maanta Al-Shabaab loo saariyo  .. Al-Shabaab dad dila am qarxiya waa la arkay, laakiin horay uma dhic in Al-Shabaab saraakiil nabadsugid ah ka dhex qafaashaan xarumaha dowladda. Waxaase yaab leh in NISA aysan ka warqabin afduubka Ikraan, laakiin ay dilkeeda ogtahay. 

Wuxuu intaa raaciyey oo yiri: Tani waxay caddeyn u tahay wadashaqaynta hay’adda Nabadsugida iyo Al-Shabaab. Waxay kaloo digniin culus u tahay in aysan jirin cid caawa ka badqabta in ay gacanta Al-Shabaab gasho ama xarumaha Dowladda loogu yimaado. Waxaa kaloo iyadana akhlaaq xumo ah in kiis miisaankaas leh looga hadlo fariin facebook lagu soo daabacay. 

Maadaama ayuu yiri, masuuliyada dalka, gaar ahaan Amniga uu masuul ka yahay, caawa indhaha Soomaalida oo dhami waxay ku jeedaan tillaabada uu qaado Raysal-wasaare Rooble. Waxaan u soo jeedinayaa fariintaan: 
1- In uu la fariisto, jawaab u qalanta siiyo waalidka Ikraam Tahliil.
2- In uu badbaadiyo kalsoonida iyo aaminka lagu qabo Hay’adda Nabadsugidda.
3- Si taas u dhacdana waa in uu xilka ka qaado taliyaha Nabadsugidda, lana baaro kaalinta uu arrinkaan ku lahaa, lana xannibo dhaqdhaqaaqiisa inta uu baaritaanka socdo.
4- In Baaritaanka uu sameeyo guddi khubaro oo si toos ah xafiiska RW u hoos taga, si maalinle ahna ugu warbixiya.