Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Walee Tuug Laga Daba-qayliyey Qoobka Rogi-waayin .. Wixii Dhacay Dadku Jawaab Waa Isa Siin-waayeen .. Taliye Fahad Yaasiinow Lur Baad Kororsatay Ee Surka Soo Dhigo Beryahaan Seeftu Waa Sawtka Shacabka

Saturday - September 4, 2021



Sida la ogyahay saraakiisha Hay'ada NISA ee xiligaan taliska xaruunta buuxiya illa hadda lama hayo wax muujinaaya wax qabadkooda oo la manaafacsaday, sido kale lama sheegin nabadgalyo ay sugeen gaar ahaan kuwa qaraxa geysanaaya .. wax kasto hawlgal ah hadey tahay xag tababar iyo aqoon guud, waxay ka yihiin fadhi-barad, balse sida aan ka warqabo ma jirto wax uga bilaaban shaqada nabadsugida iyo shuruucdeeda, waa kuwa ka liita xaga maskaxda iyo garaadka .. Fahad iyo intooda badana waa sida la sheege qaarado kale ayaa laga haga, waana taas aqoon-darooda awgeed xaqiiqadi luntay ay xagasha ka daacday waa Ba' iyo Hoog iyo in ay heeryadooda dib u cunaan iyo sida maanta dhacday sheekada xumida iyo aqoon la'aanta ay kaga warbixiyeen Cirbaha silsiladi laga gashay iyo gawraci Ikraan Tahliil.

Saraakiisha nabasugida oo ugu horeeyo Fahad Yaasin waa qorax banaan oo xita dabeyshu ku qadeyso oo gaar ahaan marki la eego Tababaradooda iyo waayo-aragnimadooda wey ku hafteen hawshaan qaranka oo awood uma leh talaabooyinka ay qaadayaan iney dib u fiiriyaan waxay noqon .. Maanta bulashadi somaalida meelkasta oo ay joogtaba waa la guuxay hurdo wey seexan-waayeen .. wixii dhacayna dadku jawaab waa isa siin-waayeen .. Runta haddi la doonaayo Qarankeeni wuxuu jabay kolki Fahad Yaasiin lagu khatalmay oo isagoo Shabaab la macaamili jiray loo dhibay Amnigi qaranka iyo waliba mashaqada weyn oo ah Madaxweyne Farmaajo oo awoodi iyo maamulki dalka gacanta u galiyey

Intaan ka ogahay iyo waayo-aragnimada aan u leeyahay .. xeerka Hay'ada sirdoonka Nabadsugida waxay hoos tagta madaxweynaha, waxayna u gudaneysa xilka iyo waajibaadka si madax-banaan oo xeerka waafaqsan .. Ujeedooyinka loo aasaasay hay'ada waxa ka mid ah raadinta xuuraanimada " intelligence" gaar ahaan xogta iyo wararka sido kale saadaallinta iyo daba galka " Monitoring" oo waxkasta wax tar u leh sugida iyo xasiloonida amniga qaranka, isla markaana ka hortagto shirqoolada Af iyo Adinba kaaga imaan-kara cadawga gudaha iyo dibada oo loola jeedo in lagu wax-yeeleeyo laguna wiiqo haybada, sumcada iyo horumarka qaranka.

Sharciga u dhigan ha'adaha sirdoonka waxaa ku qoran in hay'aduhu qof mawaadin ku xadgudbin xuriyadiisa aasaasiga ah ee dastuurka iyadoo looga faaiideysanaayo dano siyaasadeed.
Dhinaca kale xubnaha ka tirsan hay'ada ee ku gafa sharciga u dhigan qodobada nabadsugida waxaa inta badan lagu qaada xukun adag iyo shaqado laga cayriyo.

Waxba hadalka yuu ila gudbine waxaan ku soo gaabshay .. Aduun waa is daba mare shaf looma tumo qorsho dagaal la isku qiro beelo oo masiibada intaa le'eg koleyba lagama faaiidaayo oo casha dhaw war kale waa la maqlin oo kiiskeeda la xariira ee nabad iyo dulqaad iyo samir waa in lala yimaado oo laga warsugo Go'aanka Raiisal wasaaraha