Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 20 September 2021

Talo Xumo Todaba Jeer Nin Falay Haatana U Taagan .. Farmajo Oo Ka Hor-yimid Xil Ka Qaadiisti Uu Rooble Ky Sameeyey Wasiir Xudubey

Wednesday - September 8, 2021



Mogdisho - Qoraal gadoodsan oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu diiday xil ka qaadistii uu caawa Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubey, kaas oo lagu bedelay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur .. Xildhibaanka ayaa ah ganacsade maalqabeen ah oo hadana lobbista siyaasadeed ah

Farmaajo ayaa qoraalkaan ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu ku yiri, “Xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey kuma imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna dhaqan gal ma ahan.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” hasa ahaate Raiisal wasaare Rooble ayaa warka Farmajo dhag jalaq u siin oo weli u gogol xaaranaayo inu wasiiro kale xilka ka xayuubiyo