Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Qiiso Cibro Qaadasho Mudan .. Laba Nin Oo Mid Indhool Ahaa Midna Curyaan Oo Saaxiib Ahaa

Monday - September 27, 2021




Labo nin oo midi Indhool ahaa Midna Cuuryaan oo saaxiibo ahaa ayaa isla qaraaban jiray .. Maalin iyaga oo wada socdo oo qaraab-doon ah ayaa Indhoolkii waxa uu ku istaagay wax bac wayn ku jiro. Kaddibna Cuuryaankii buu ku yiri" Hebeloow Waxan fiiri waxaan uga shakiyay iney wax qiima leh yihiin ee maxay ahaayeen?

Cuuryaankii ayaa Bacdii furay mise waaba Dahab iyo lacag .. Markiba waa wada farxeen Iyagoo faraxsan ayeey geed aan ka fogayn hoos tageen balse Shaydaanka ayaa fursadaasi uga faaidaystay oo iyagii isku dhuftay.

Cuuryaankii baa hadloo yiri " Saaxib hantidan saddax baa loo qaybinayaa labo meelood aniga ayaa iska leh Meelna adiga ayaa leh waayo haddii eysan indhahayga ahayn waxani helitaankoodii nooma suurtagasheen .. Indhoolkina waxuu yiri "Kaa yeeli-maayo ee Laba meelood aniga ayaa iska leh Adna Hal meel baad leedahay waayo aniga ayaa ku istaagay haddii aan kula socon lahayna maadan aragteen!!!.

Halkii buu muran ka billawday Nin Waddada mararay ayaa ku soo leexday oo u kala garqaaday.
Markii labadoodiiba dhagaystay ayuu yiri " Xoolahan waa idinka dhaxeeyaan si siman ayaadna u kala qaybsanaysaan. Midkiinna kan kale la'aantiis waxani ma helaan marka dhexda dhigto oo qaybsada laakiin soo jeedinta ninka wey diiddeen labadoodiiba.

Markii uu heshiisiin waayay ayuu Ninkii isaga tagay, Iyagoo wili murmayo oo bacdii iskula dhagan kuna wada xiiqay ayuu nin kale jidka uga soo leexday si uu u kala dhax galo .. Markii uu Dooddii dhagaysay ayuu ka codsaday in ey ku go'aan waxa uu u soo jeediyo ama qaabka uu wax ugu qaybiyo iyagiina wey aqbaleen oo in ay ku go'aan wixii uu gooyo ayeey labadoodiiba aqbaleen.

Bacdii waynayd Ayuu ka qaaday. Kaddibna inta uu Halkaa tagay ayuu yiri "Hantidan waxaa iska leh Kiinii i soo qabta cagaha ayuuna wax ka dayay!
Sidaan Waa Kaartada u dhagan Beesha Caalamka Marka Soomaalidu Iskood u heshiin waayaan!!!.
Maxaa kaaga Baxay?