Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Diid Ama Ha Diidin China Waxay La Soo Baxday Maskax Iyo Muruq .. China Oo Sameysay Qorax Artificial U Gaara

Tuesday - October 5, 2021




Caalimka fiisigiska Li Miao Ee Jaamacadda Southern University Of Science of China ayaa ku guulaystay hirgelinta Qorrax aadame sameeya ah oo ka daboosha baahiyihii Tamarta oo la mid ah kuwa Qorraxda laga helo .. Qorraxdan oo laga sameeyey isla falgal nukliyeer ayaa ay dawladdu ugu talagashay in dalku Uu ka helo tamar joogtaysan oo metelaya qorraxda dabiiciga ah. sida ay ku warrantay shabakadda Phys. Org samaynta Qorrxdan ayaa la sheegayaa in dalka China Uu ku bixiyey lacag ka Badan 27.5 Bilyan Oo Doolarka Maraykanka Ah.

Qorraxdan aadame sameesga ah oo weli ku Jjrta bilowgii hore ee hawlgalkeeda ayaa heerka Tamarta ay soo saaraysaa uu mar kale sii kordhay, isaga oo dhaafay 120 Bilyan oo digree.

Li Miao, Agaasimaha waaxda Fiisigiska ee jaamacadda southern university of science and technology oo ku taalla degmada Shenzhen ee dalka China ayaa mar uu sharraxayey Qorraxda Cusub ee ay soo saareen waxa uu sheegay in horumar muhiim ah ay illaa hadda samaynayaan, dadaalka ugu badan ee ay hadda wadaanna uu yahay sidii uu heer kulku u noqon lahaa mid aan is bedbeddelin muddo dheer .. 

Si kastaba ha ahaato ee Waxa ay Cilmi baarayaashu sheegayaan in qiyaas ahaan 30 Sano ay qaadan doonto dhammaystirka Iyo dhab in laga dhigo Teknoolajiyadan.