Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Ninkaan Waa Ninki Boqor Feysalkii Sacuudiga Ka Diiday Abaalmarin Dhaqaalle .. Ninkaan Oo Ku Hadli Jiray 22 Luqadood Waxaa Gacantiisa Ku Musllintay 40-Kun Oo Faransiis Ah

Wednesday - October 6, 2021




Ninkani Waa Ninkii Boqor Feysalkii Sacuudiga ka diidday Abaalmarin Dhaqaale oo uu siiyay Isagoo yiri: Aniga kutubti aan qoray wax aan ilaah Dartiis ahayn uma qorin ee Diinta ha iga fasahaadinina.

Nus Qarnigii uu Fransa ku noolaa waxaa Ninkan gacantiisa ku muslimay 40 kun oo qof oo Faransiis ah. Waxuu ku hadli jiray 22 luqadood .. Luuqaddii ugu dambaysay ee Uu bartay isagoo 84 jir ahna waxey ahayd Luqadda Teylan.

Ma uusan Guursan laakiin waxuu guursaday aqoon waxayna u dhashay 450 Kitaabo Cilmi ah oo maanta Dunida laga aqristo lagana Aqrisan Doono Kutubahaas oo uu ku qoray luqado kala duwan. Waxuu kaloo daabacay 937 Maqaalo Cilmiyeed ku qoran afaf kala duwan .. Isaga oo Cilmigaas leh ayuu haddana Ardaydii uu wax bari jiray markay isla safraan uu isaga Khaadim u ahaan jiray.

Markii uu abaal -marinta ugu sarraysa ka helay Madaxweynahii Hore ee Pakistan oo malaayin lacag ahayed, wuxuu isaguna ugu deeqay qiimahii abaal-marinta Machadka Daraasaadka Islaamka oo ku yiilay Islamabaad isagoo yiri, "Haddaan abaalmarin ku qaato Dunida laga tagayo dhaxdeeda maxaan ku qaadanayaa Daarul-Biqaa Nolosha Aakhiro ee Aan dhammaanayn.

Ninkan Magaciisu waa Maxamad Xamiidu-Laah oo ka soo jeedo Gobolka Xeydarabaad Ee Hindiya. Waxuu Geeriyooday sanadkii 2002 isagoo 94 jir ah. Allah Yarxamuhu.