Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shacraawi Oo Wixii Alle Baray Kaga Jawaabay Su'aasha Ah .. Maxay Raga Kaliya U Leeyihiin Xuural Cayn Janada, Maxayse Ragu Haween Badan U Guursadaan Oo Dumarku Hal Nin Ugu Ek

Saturday - October 9, 2021




Dadka aan Muslimiinta ahayn gaar ahaan Mustashriqiinta iyo Mulxidiinta Meelaha ay isku dayeen in ay Shaki kaga abuuraan Muslimiinta gaar ahaan Haweenka waxaa ka mid ah sababta Ragga kaliya loogu gaar yeelay Haweenka Xuurul ceynta marka ay Janada galaan iyo waliba Ragga Muslimiinta in loo baneeyay in ay guursadaan Afar Xaas halka Haweenka Muslimiinta ahi aan loo ogolayn wax ka badan hal Nin.

Hadaba Sheekh Al shacrawy oo ka hadlay arintaas, isla markaana Fasiray Aayada “كَذَلِكَ وَزَوَّجْنَاهُم بِحُورٍ عِينٍ”، waxa uu yiri “Reer galbeedka gaar ahaan qolyaha Mulxadiinta waxa ay doonayaan marka Xuurul ceynta laga hadlayo in ay yiraahdaan Islaamka waxa uu Mudnaan gaar ah siiyay Ragga, ayaga oronaya Haweenka waxaa lagu dulmiyay Janada dhexdeeda, sababtoo ah bay leeyihiin Ragga waxaa loo gaar yeelay Haween badan oo Daahir ah, ayaga oo waliba loo guurinayo Xuurul ceyn, ayaga oo doonaya in ay ka dhigaan in Allah Ragga u gaar yeelay Nicmo uusan siinin Haweenka”

Sheekh Al shacraawi oo si adag uga Jawaabay Qolyaha reer galbeedka ee sidaas yiraahda, waxa uuna xaqiijiyay in Qolyahaas ay doonayaan in ay duufsadaan Haweenka si ay ugu diraan Islaamka, waxayse ilowsan yihiin Mulxadiinta in Haweenku yihiin Jinsi wanaagsan oo aan aqbalayn misana aan jeclayn in raga ay isku bedbedelaan, sidaas darteed marka uusan Allah u banaynin Dumarka in Rag badan guursadaan, arintaasi waxaa weeye kaliya in uu Allah karaameeyay, sharfay oo uu ciseeyay, mana uusan ka yeelin meel ay u soo dhacaan mid waliba uu doonaya in uu ku haraad gooyo.

Sheekh Maxamed Al shacrawy ayaa Tusaale u soo qaatay in ay jiraan Haween badan oo dunida ku nool oo muujiyay Karaamada u gaar ah oo diiday in Nin kale ay guursadaan marka uu ka geeriyooday Ninkooda hore, ayaga oo u arka meel ka dhac sharafeed, ayada oo waliba Islaamka u xalaaleeyay arinkaasi. Sidaa darteed buu yiri Sheekh Al shacraawy Islaamku wuu sharfay Haweenka ayada oo la eegayo Dareenka ku abuuran oo dhinaca Sharafta ah.

Dhinaca kale, mar Sheekh Shacraawy la waydiiyay isaga oo jooga dalka Mareykanka su’aalo ay ka mid yihiin; Maxay rago Haween badan u guursadaan, oo Dumarka hal Nin ugu ekaadaan?

Sheekh Shacraawi oo ka hadlayay arintaasi ayaa yiri "Waxaan ku iri Allah baan idinku dhaariyee Dalkiina miyay banana tahay Dhilaysiga? ! waxay iigu jawaabeen haa Gobolada qaar, dabadeed baan ku iri, sidee u daryeeshaan Caafimaad-kooda, si deg deg bay igu yiraahdeen Gabdhahaas Jirkooda ka ganacsada Usbuucii laba mar baa lagu sameeyaa Baaris caafimaad si loo hubiyo in ay ka bad qabaan cudurada xun ee faafa. Intaas baan ku iri hadaba, miyaad baartaan Haweenayda xaaska ah? Waxay ku jawaabeen MAYA, kolkaas baan iri sabab? Dabadeed bay igu yiraahdeen sababtoo ah Dumarka la qabo ee ragooda ku eg kuma dhacaan Jeermisyada xun ee cudarada sababa, sababtoo ah hal Manni (Sperm) ayaa jirkooda gasha oo ah tan Ninkooda, sidaas darteed bay yiraahdeen Jeermisyada sababa cudurada xun xun waxay ka dhashaan Biyaha Raga oo kala duwan oo meel wada gala. Kolkaas baan ku iri hadaba Allah runbuu u sheegay Adoomadiis markuu u baneeyay raga in ay guursadaan Afar xaas, islamarkaasina uu xarimay in Dumarka ay guursadaan wax ka badan hal nin”.

Si kastaba ha ahaatee, Xeeldheerayaasha Muslimiinta gaar ahaan Culumada ayaa sheegay in Janadu tahay Daartii Nabada (دار السلام) oo lagu waarayo lagamana yaqaano Dagaa, Cudur, Gabow, Geeri, Maseyr iyo Cuqdad, midna ku darsada Dumarka Aduunka ee Janada Gala ayaa ka qurux badan Gabdhaha Xuurul Caynta