Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Waa Cashar Ku Qotama Xikmadi Rasuulkeeni Maxamed SCW .. Caaiisha Ayaa Rasuulka Weydiisay Inu Carrab-Dhabo Mida U Ugu Jeclyahay Sawjaadkiisa

Monday - October 11, 2021




Maalin maalmaha ka mida Ca'isha ayaa weydiisay nebiga SCW su'aal laxariirta inu u sheego Tan u ugu jeclyahay haweenkiisa ? jawaabti wuxuu ku yiri: Rasuulku SCW adigu ayaan kugu jeclahay, laakiin Maama Ca'isha inta kuma harin oo waxay tiri: Hadaba hadey saa tahay aan iyaga u tagno oo aan u sheego dhamaantood inad ani iigu jeceshay rasuulkii ilaahayow.

Nebigu SCW isago qosol yar la dhoola cadeeyey ayuu Ca'isha siiyey Timir kuna yiri Cidna ha u sheegin in aan Timar ku siiyay .. ca'isha oo faraxsan waxay tiri waa hagaag yaa rasulu-laah

Markaas kadib ayuu hawenkiisi waqti cayiman isugu yeeray .. mid kastana si gaara oo qarsoon ayuu Timir u siiyay wuxuuna ku yiri mid kasta inaan timir ku siiyay cidna ha u sheegin .. mid kasta si aqbala ayey ku tiri Rasuul Allow waa hagaag

Habeenkii way isu wada yimadeen kuligod, kadibna Ca'isha ayaa halki ku weyddiisay Rasulka SCW
Dumarkaaga teebaad ugu jeceshay? Markaas buu nabigu dhoolla caddeeyay oo yiri:Waxaan ugu jecelahay mida aan Timirta siyay, Taas ayaana ugu jeclahay? Dhamaan Sawjaadki waxay ku farxeen jacaylka Rasuulka SCW oo mid walba farxad kula hoyatay gurigeeda

Xikamda ku jirta rasulku SCW waa mucalim-kenii inaad hal dumar ah guursato ood xuquudeda u dhamaystirto ayaa ka qiima badan inaad 2 ama 3 ama 4 gursato ood xuquuq dooda garan waydo "
Naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha ahaato Nebigeenna Muxammad scw