Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 18 October 2021

Dad Qalki Kenya Caruurta Guran Jiray Oo Xabsiga Nairobi Ka Baxsaday .. Dad-Qalku Waa Qatanyahay Oo Nuune Kale Baar-baaranaya .. Caruurti Kenya Guryahay Ku Dhex Ooynayaan

Wednesday - October 13, 2021




Booliska Kenya ayaa Dad-qal Masten Millimo Wanjala u taxaabay xabsiga bishii July ee sanadkan kadib markii uu qirtay inuu falal iskugu jira kufsi iyo dil uu kula kacay ugu yaraan 10 carruur ah .. Lama oga sababta ka dambeysa baxsashada ninka oo ku xirnaa xabsi ku yaalla saldhigga booliska Joogo Road ee Nairobi, sida ay baahisay qaar kamid ah warbaahinta Kenya.

Waaxda dambi baarista Kenya ayaa bishii July baahiyay sawirka ninka oo ay sheegeen, “Dad-cunkan wuxuu waday dil joogto ah oo uu ku bartilmaan-sanayay carruurta ay da’dooda u dhexeyso 12 iyo13 sano. Wuxuu masuul ka ahaa afduubyada magaalada ruxay dhowaanahan”.

Waxay booliska sheegeen in uu khiyaani jiray carruurta inta uu la ciyaarayo, dabadeedna inta fogeysto halkaas ku dilo haddana markiiba u dhiga ka dhuuqo, kadibna hilibkooda cayriin ah cunu jiray, warku waxuu intaa ku daraya in baxsadiikisa ay keeni karto inu caruur kale qafaasho, sidaa daraadeedna poliska kenya ayaa waalidiinta uga digaya in caruurtooda ay fiiro gaara u yeeshaan .. waxaa la sheegay ma daama u daad qal yahay ay dhici karto inu fal kale geysto

Horay dhanka Somaliya waxaan u soo aragnay macallin jaamacadeed aabihi sarkaal bolis yahay oo la yiraah Maxamed Xaaji Axmed loo yaqaano Ilkacase ayaa ka mid ahaa toddoba nin oo maxkamadda milatariga ay ku xukuntay dil, .. ninkaas wuxuu macalin ka ahaa kulliyado ku taalla magaalada iyo weliba dugsiyo sare, isagoo dhigi jira luuqadda Ingiriiska.

Dad-qal Maxamed Xaaji Axmed ayaa waxaa dhalay sarkaal ka tirsan booliiska, balse dacwad-oogista ayaa sheegtay in sababta uusan u dilin aabihii ay ahayd inuu gabbaad ka dhigto si loo dammiinto.