Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 December 2021

Itoobiya iilkey Dul Taala .. Sufiyadi Geeska Afrika Oo Baadi-goobeysa Amiirki Qaylada "Allaha Akbarta" U Taagaya Ee Ceynaanka U Qaban-doono Somaliya Iyo Itobiya .. Geeska Afrika Diqsi Bu Ka Dhigin

Monday - October 18, 2021




Itoobiya ilmada shubeysa waa cadaatay ineysan docna u fiyoobeyn oo gabi-ahaanba burburtay, mana jirto calaamado xoojinaaya in itoobiya ay dib isugu soo noqon-karto .. Waxaa la sheegaya in ciidamadi Caqli-laawe Abiy Axmed ee forimaha ka dagaalameysay itaal-daro awgeed si aan macquul ahayen barqo weerar lagu baduugay, taaso muuqata in jabhada Tigreyga ay arligi itoobiya guud ahaan dumuq ka siisay .. Sido kale ciidamadi gurmadka ee Afawarke Eretreya ee marku biirka cantuugo balaayada tiraaba, waxaa la sheegay in ciidamadisi ay la soo darastay Jab iyo halaag kadib marki dab lagu shiday oo ay ku noqotay nabar xanuun badan saas awgeed u carigi itoobiya gabi ahaanba isna far-yara bidix sidi Jinka uga baxay .. Abiy Axmed Iyo Afarke waa masiibo ilaah Umada u soo diray  

Waxaa La Yiri indhaha Qalbiga Ka Eegmo Fog Oo Waxayna Arkin Buu Ogaada .. Saadaasha waa khalad haddi aad moodeyso in itoobiya ay dib isugu soo noqoneyso oo itoobiyadi hore jireyso .. Itoobiya ma aha in xiligaan la joogo la yiraahdo "waa kala tegeysa" ee ereyga saxda ah waa in la yiraahdo "waa kala tagtay" oo ma jirto wax xal midnimo ah oo mustaqbalka dhici kara, balse Maamul kasta oo ka mida dalkaas waxay isu diyaarinayaan iney qolo walba gaarkeeda madax banaani u hesho oo halkaas ay ku soo dhamaato xiligi qaraamiga ee la oran jiray Libaaxi Afrika ee Itoobiya .. Itobiya waxaa ku dhacday sidi kala-googa Yogoslaafiya

Dhinaca Kale Alle Keli Ayaa Wax Oge .. Taariikhda duuga ah in dib loo xasuusto wey mudantahay, oo horay ayaa taariikh ahaan culimadi Awoowa-yaasheen dardaaran ahaan nooga tagen in itoobiya ay cuqubooyin ku dirir-doonaan shido iyo hoog dhaceyso, oo ugu dambeys ku dambeyn-doonto burbu iyo kala tag, waxayse saadaal ku soo xigteen in Amiir la aaminay dhaqan suuban iyo diin leh xag alle laga soo idmay, hibooyin gaar ah leh Somali u dhashay u dalkaas qaban-doono, mana jiri-doonto dawlad u dhaxeysa Somaliya iyo Suudaan ee libin baa dhaw ruuxi jihaad laabta ku hayow ayey ku maansoodeen. 

Waxaa iyadana la soo tabinaaya warar sheegaya in culimadi suufiyada geeska afrika meel ay joogaan-ba ay maalmahanba ku hawlan-yihiin baadi-goobka Amiirka la sheegay inu somaliya ka kici-doono, isla markaana dib u guumeysanaaya itoobiya kana dhigi-doono meel Habruhu daafida ku dubtaan, halka u Kenyana difaac ka dhigan-doono .. waa sida ay sufiyada sheegaane wuxuu Amiirkaas cunaha dig siin-doona Bidcada diinta u tarjunta si tafsiir kakan ee an wacyiga ahayen, taaso keentay in koox badan Takfiiri ah abuurman iyo xag-jirka asal raaca ku abtirsada Al-Qaacida iyo kuraafaadka been abuurka ah aan haba yaraate wax raad ku lahayen diintena islaamka, halka u Amiirkaas dadka danyarta masaakiinta ah deyn ay ku shaqeystaan siin-doono .. Doolarkana isaga sameyn-doona, oo sidi Dooga meel walba buuxin-doona, madaxda goblada dacas bu ka dhigi-doona.

Waxaa-ba la tilmaamaya in ergooyin ka socda xaga culimada Suufiyada ay socdaalo ku kala bixiyeen meelo ka mida gobolada somaliya gaar ahaan waxay xoojinayaan in Amiirkaas u ka soo bixi-doono dhinaca Puntland, gaar ahaan inta u dhaxeysa Mudug, Garowe illa Laascaanood, warka ayaa intaa ku daraya in socdaal-kooda sahminta ayba ka bilaabeen dhinac magaalada Galdogob oo la tuhmaayo in Amiirkaas reerka degaankaas wax un dhiiga u galeen ( Aabe Iyo Hooyo midkood) hasa ahaate qaar baa waxay ay leeyihiin Amiirka hooyadiis baa reerkaas ah, halka qaarna ay leeyihiin Maya Amiirka aabihiis bey dhaleen, walow ay jiraan koox suufiyaal kale oo ku andacoonaya in Amiirka la sheegaayo u yahay Mahdiga oo halkaan iyo geeska Afrika ku imaan-doona Masalle sabeynaya Bada kaga soo gudbay ..  Allahu Yaclam.

hits Hits : 1276