Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 December 2021

Taariikh Qoran Baa Jirta Ee Wax Ka Baro Qaladaadki Shalay Si Jiilba Jiilka Ka Dambeya U Si Tilmaamo .. Doodi Ba'neyd Ee Dhex Martay Siyaad Bare Iyo Guurtida Abgaal .. Shaleytidi Abgaal

Sunday - October 24, 2021




Qiyaasti horaanti bishi December sanadki 1990, wuxuu Siyaad Bare ka dalbaday Jeneral Xuseen Kulmiye inu surta-galiyo sidi u shir ula qaadan-lahaa Odayaasha iyo waxgaradka beesha Abgaal .. Mudane Xuseen Kulmiy oo waqtigaas ahaa madaxweyne ku xigeen, wuxuu dadaal badan ku bixiyey in shirkaas dhaco sidaa daraadeed dhamaan guurtadi beel-weynta Abgaal waxaa lagu soo tuunshay xarunti Villa Somaliya, laakiin tacajub waxay ahayed marki mid walba horay u soo qaatay Joodari xaleef ah iyo Barkin.

Shirki oo furmay, waxaa hadalki si soo dhaweyn ah u qaatay Madaxweyne Siyaad Bare, wuxuuna hadalkisi si kooban ku bilaabay warbixin guud oo kaga hadlay sida kacaanki ka hor dalku ahaan jiray iyo wax qabadkiisi dalka illa maanta la joogo .. wuxuu si guud-mara u dul cararay xaalada dalka u maanta maraayo iyo sida xumaanti loogu dareeray durbaanka loogu tumaya iyadoo buu yiri wanaagi iyo wixii wacnaa laga cararay, wuxuu yiri waxa socda qabyaalad oo diinta ka fiicnaatay, wixii kitaabku sheegay ee qawlki ilaahay waxaa maanta looga dhaga nugul-yahay ereyga Tolaayey .. beenti nala ku nabaayo waxay noqotay mid la isku soo jiito, sido kale waxaa hadalkiisi ku jiray: wax-walba xag xun baa loo roga, oo subaxa saaka meel dalka u fiyow ma jirto, oo wixii fiicnaa waa laga dhaqaajiyey .. wuxuu intaa si raaciyey oo yiri xumaanti ayaa dhoola tus ku jirta soona dul martay wanaagi oo waliba xoog ku haysato,   

Waxuu kalo hadalkiisi ka mid ahaa oo u yiri: guud ahaan kharashka dawlada boqolkiiba 50% u galo gacanta, afka, caloosha iyo dhulka Abgaal, isla markaa xilalka iyo darajooyinka reerka qiyaasti waxuu haysta 30% ..Wuxuu kalo carbka ku dhuftay in nabada ay dalka u roon-tahay oo ninki doona u dib ugu aayayo .. wuxuu yiri nabadu ma sugaan oo kaliya cidamada amniga kala duwan, balse nabadgalyadu waxay ku timaada oo kaliya wada shaqeyn iyo is aamin iyo kalsooni dhex marta shacabka iyo amniga 

Ugu dambeynti gunaanadki warkiisi si kooban ku yiri: Umadyahay waxaan idin weydiiyey Su'aasha ah bal Abgaalow aniga shakhsi ahaan maxaa si gaara iiga tirsaneysaan ? isla markaana weydiiyey waxa u qarsoon iyo waxaa ku kalifay iney ka qayb qaataan xaslooni darada ka socota mogdisho isago haddana ka dalbaday bal iney keenaan taladi looga gudbi-lahaa falalka is daba jooga ee ka dhacaya caasimada.

Hadalki oo markaan ku soo wareegay guurtadi Abgaal, Meeshi shirka waxaa ka kacay nin ka mida odayaashi oo ay ka muuqatay sidi Awr doobi ka soo bixi-weyday ayaa hadal kooban qaatay oo yiri: Oday ina Siyaadow horta laguma doorane dalka inqilaab baad ku qabsatay, oo sidaa daraadeed hayb baad sidataa mooye ma tihid hogaamiye ee dawo kale ma jirto oo aan ahayen inaad kursiga dhaaftid .. Mid kale oo isagana Qawlalaha xunbo ka duuleyso ayaa si kadis ah u istaagay oo yiri: anaga horay waxaan u soo qaadanay joodari-yaashi aan ku seexan lahayen ee warkaaga ma rabne haddaad rabto xabsiga noo taxaab .. waxaa halki ka soo booday madaxwyne ku xigeenki mudane Xuseen Kulmiye oo yiri: Odayaal warka doodiisa madaxiina ha galo ee madaxweynuhu su'aal ayuu idin weydiiyey u ku leeyahay Abgaalow maxaan idinka idin dhimay ee su'aashaas ka jawaaba .. Mid ka mida odayaashi isagana xamaasad darteed banaaxinaaya ayaa yiri anigaa ina Siyaad u jawaabaya, waxaa la yiri soco oo u jawaab wuxuu yiri: Anagu hadaan nahay Hiraab ma aanu iloobin Abtirsiinyaha hawiye oo waxaan ka xanuusanay dhibka lagu hayo walaalahayaga Habar-gidir, oo haddaan nahay guud ahaan Hawiye arinka meel ayaan ka wada aragnay sidaa daraadeed Hawiye waa isla jaan qaaday, oo waxaa ka go'an iney gacan bir ah wax ku badalaan.

Gabagabadi Maroodigi lixaad-kaad ku ogeyd ee Siyaad Bare oo marku hadlo hadalkiisa sidi waxyiga la kala boobi jiray ayaa markaan ka yaabay inu Bakeyluhu liqo, wuxuu odayaashi kala kulmay hadalo dhataqla ah aan loo meel-dayayen arkayna in xaalada qabyaaladeed taagan kuwaan ay batrool ku sii afuufayaan si halka nabadgalyada ay maanta joogto uga si kharaarato, wuxuu yiri: Waan idin jeeda is maroojin mooye ka tagte talo macaan ee gab-gableynta iyo qar iska xoorista aan la ogeyn meel ay kula galidoonto ku deg-dageeda waa la iska hubiya, teeda kale aqoonta ilaahiyada waxay tahay waa tan dadka kala hagta, laguna kala garto xumaanta iyo wanaaga danbiga iyo kheyrka.

Gabagabo-hadal Siyaad Bare wuxuu warkiisi ku soo xiray: waan arkaa in dabada la iska riixaayo, oo sida doodiina ka muuqata ilma adeer ilka-Cas "habargidir" baad durbaan idin garaaceysa, waxaase ogaataan dhiilada iyo durbaanka dabin baa hoos yaala, waan hubaa ayuu yiri inaad ku dambeyn-doontaan shalaayti iyo xanuun aad u daran .. wuxuu hadlkiisi ku khatimay: Ciddi hagardaamo iyo khyaamo ku wada dalkaan waxaan ilaahay uga baryayaa inu ifka ku ciqaabo si ay inta la dareenka ahi ugu cibro qaadato .. doodiina halki ayaa lagu dabray oo nin walba goiisi halki ku hurgufay. 

Aakhirki waa kan Maxamed Siyaad isaga huleelay carigi somaliya, dabadeed qiyaama kacay, oo waxaa bilaabatay in la isu dhibo dharbaaxadi Sokeeyaha , oo hadba Haad Haad kiciyey, muddana dagaalku socdey gaar ahaan marki Habar-gidir iyo Abgaal isku dhaceen, waxaa dhacay guuldaro iyo hoog oo waxaa dhib soo gaaray dadyoogi beesha Abgaal waa lagu duduriyey oo haddana la barakiciyey waxaa ka yeertay baroor iyo ba'yey .. Dawac baadi helay ka dheh

Jeneral Xuseen Kulmiye oo sidiisaba ahaa nin aad loo xiiseeyo sheeko-xariirkiisa, ayaa waqtigi dagaalka sokeeye socday ku sugnaa dalka Mareykanka .. waxaa loola yimi qaylo-dhaan iyo sidu xaal yahay, waxaa sadaro waaweyn loogu sheegay in beesha Abgaal ku khatalamatay haybti isir-sheega Habargidr oo qunbulado rasaasa iyo balo qiiqeysa huf iyo halaan jirin looga dhigay, waxaa lagu yiri shacabki qoor-gooyo joogta ah lagu halaagay, qubuurna laguma gurin wixii meyd qolfo ah meelkasta yaalay, sido kale guryihi qurxoonaan jiray hubiyaa qaaday, kadibna beeshi oo la gumeeyay ayey caasimada ku dhex silceysa ee Xuseenow nabad baa macaan leh ee maanta xag nabad jirtaba nala baadi goob 

Dabadeed halka ay ka sugayeen in Jeneral Xuseen ka gilgilasho iyo caadifad qabiil, wuxuu isago qosol dhikh dhikh la leh ayuu sheeko xariirkisi ku yiri: Nin baa wuxuu yiri, waxan doonayaa in aan is jaro Carrabka, bal sidaan wax u cuni-karo, waar ka daa baa la yiri, hadhaw ma helaysid wax Raashinka hoos dhuunta ugu riixdo Marka ay ilkuhu calaaliyaane 
Ninki waa lagala quustay in uu taladda yeello, oo tiisii buu ku dhaqaaqay. Markii raashinkii ilkuhu ridqeen uu afkii hoos uga degi waayey, soona tufi-waayey Ilayn carrabkaa wax soo tufee Buu ku soo noqday dadkii uu tallo iyo wax sheeg-ba uu ka diiday, oo uu ku yiri kaalaya carrabkii dib iigu rakiba wax-ba iga degi-waaye'e ..Waxa loogu jawaabay: Haw fadhiyin carrab kugu soo noqonayaa ma jiree, waataad dhegaha ka furaystay, markaan diyaarka ahayn in aanu khaladka kaa qabano'e .. Jeneral Xuseen oo hadalki si wata wuxuu yiri: Abgaalow, shekadaan waxaan u soo qaatay waa idinki sidi Aarka u ciyaayey maalinti Maxamed Siyaad waanada idin siinaayey ee ma ku fakarteen maalinti sidaan bay idin ku dambeyn, cirka-se ma soo leefteen markay Habargidir kaa dan dhameysatay, kaarkiina idin ka xoqteen .. Abgaalo dhiilki Caanaha ayaad kibir u gambiseen ee ka soo maala caqli xumadiina, wuxuu kalo yiri: halka aad taalin waa abaalkiin oo waxaad marteen dariiqi aad u sahmiseen Qabiilka Mudulood ee haddi is-maql jiri-lahaa iyo warki Ina Siyaad Bare intaas oo mushkiladood ma dhici-lahayen ee ordaya sidi yawga is tuba qurbe iyo xero qaxooti ee fadlan igala hara warkiina ee nabadey.

Tifaftiraha Shabakada Wararka Ee Galdogob Times .. Maxmed Calixaashi ( Ina Cadaawe)

hits Hits : 1372