Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 December 2021

Taariikhda Duuga Ah Dib U Xasuuso .. Gorgorki Weynaa Axmed Gurey Qabiil Ahaan Reerke Ka Soo Jeeday

Sunday - November 7, 2021




Dagaalladii Axmed-guray waxa ay ku beegnaayeen qarnigii 16aad, waxaanay ku xiriir-sanaayeen colaadihii dhexmari jirtay boqoradii xabashida iyo saldanadihii muslimiinta ee geeska afrika ka jiray .. Dagaaladani waxa ay curteen qarnigii 13aad, waxaana bilowgii hirgeliyey hogaamiye carbeed oo la oran jiray Sh. Cumar Walasmac oo maamulkiisu ku baahsanaa maxmiyadaha (Ifat, Hadiyaha, Arabini, Duwaro, Sharkah, Bali iyo Darah).Waana dhulka u dhexeeya Saylac, Harar ilaa Tojorre. 

Bilowgii qarnigii 14aad, ayuu suldaankii maxmiyada Ifat oo la oran jiray Xaqudiin u diray muslimiinta baaq diimeed oo xambaarsan jihaad lagu qaado kufaarta Xabashida ee muslimiinta dhibta ku haysa. Qacdii hore ee baaqaasi dagaal waxa ay guushu raacaday muslimiintii, waxaana cagta la mariyey Xabashidii, hasa-yeeshee weerar rogaal celin ah oo Xabashidu soo qaaday ayaa lagu diley suldaankii Ifat oo markaa ahaa suldaan Sacaadadiin. 

Dagaalkaasi waxa ay xabashidu ku qabsatay xarunii suldaanka, oo ahayd jasiirada Saylac oo u dhow Sacaadadiin oo loogu magac-daray suldaankii, ilaa maantana xambaarsan magacii.

Jabkii ciidankii suldaan Sacaadadiin iyo carruurtiisii waxa ay u qaxeen dalka yamen .. Dhawr sanno ka dib waxa dib isu-soo-abaabuley ilma suldaan Sacaadadiin oo isu caleemo saaray boqorada maamulkii Adal, markay muddo halkaasi deganayeen ee ay xoogaysteen ayey dagaal ku bilaabeen boqoradii Xabashida .. halkaasi waxa ka soo dhex baxay Axmed Ibraahin Al-Qaasi, hasa-yeeshee ay kufaartu u yaqaaneen Ahmed-Gran. Axmed Ibraahin Al-Qaasi wuxuu boqoradii Xabashid la dagaalamayey intii u dhexaysay 1529 ila 1535, waxaanu ku qaaday boqoradaasi Xabshida toddobad duulaan oo wakhtiyo kala duwan qaatay.

Waxaanu gacanta ku dhigay dhulka Itoobiyada maanta intiisa badan. Weeraradiisa wuxuu inta badan qaadi jiray habeenkii, taasina waxa ay Xabashida ku keentay inay mar kasta ka yaacaan cuntooyinka ay karsan jireen, sida hilibka, markii dambe ayey Xabashidu go’aansadeen inay hilibka ku cunaan qaydhiinka. Aakhrikii waxa lagu diley meel u dhow harada Taana ee galbeedka Itoobiya sannadkii 1543. Weerarka lagu diley Axmed-guray waxa soo qaaday boortaqiiska oo taageerayey Xabashida.

Meel-ka-Soo Jeedka Axmed-Guray

Axmed Ibraahin Al-Qaasi dhalasho ahaan halkuu ka soo jeedo, waxa ka taagaan dood iyo muran badan, oo aan weli la isku raacsanayn ciduu ahaa. Inuu Soomaali ahaa Axmed-guray oo uu Af-soomaali ku hadli jiray waxa doodaasi xoojinaaya Buugga” Futuux- Al-xabasha” ..  Reeraha Soomaalida, Oromada, Canfarta, Carab iyo Iiraan ayaa sheegta inuu dhalasho ahaan iyaga ku abtirsado. Dhinaca qabaaiilka Soomaalida qaarkood waxa sheegta inuu Axmed-guray iyaga ka soo jeedo, Magaadle, Ciise, Samaroon, Ciise Muuse, Madigaan, Madhibaan iyo Yibro. Dhinaca Soomaalida Itoobiya waxa sheegta inuu iyaga ka soo jeeday, Akisho, Yabaree, Bartire, Gurgure, Abuskuul, Geri iyo Xarla.

Dhinaca  qabaaiil Soomaali kale, waxa iyana ku doodda inuu ka soo jeeday, sida Mareexaan, Jiidle, Karanle, Gareen, Dir iyo Sheekaal. Reerahan Soomaalida badankoodu waxa ay daliishanayaan inay ka mid ahaayeen askartii Axmed-guray oo lagu xusay buugga Futuux- Al-xabasha, sidaasi darteedna uu iyaga ka soo jeeday. Hasayeeshee dood kale oo cilmiyeysan may soo bandhigin .. Oromadu waxa ay daliishaanayaan inuu Axmed-guray ku dhashay deegaanka koonfur kaga beegan Harar oo ay haatan degan yihiin, balse inay wakhtigaasi degi jireen dood ayaa ka taagan. Carabta ayaa sheegta inuu Axmed-guray ka tegay Yeman wakhtigii la jebiyey suldaan Sacaadadiin, oo uu reer Yeman ahaa.