Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Xog Iyo Xaqiiqo Sugan .. Cumar Finish Oo Xil Ka Qaadis Loo Diyaariyey Iyo Mid Ka Sii Liita Loo Tirinaayo Duqsi Lagu Aamini-Karin

Monday - November 8, 2021




Iyadoo dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeya wasiirka waxbarashada soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Carab iyo gudoomiyaha gobolka banaadir Cumar maxamed maxamuud (cumar filish) ayaa waxa ay arintooda gaartay meel sare .. Duqa Muqdisho ayaa maanta shir uu soo qaban qaabiyey waxa iskugu yimid odayaasha qaar gobolka banaadir oo eedeyn u jeedinayey wasaaradaha waxbarashada iyo tan caafimaadka.

Sida muuqata waxa shirkaasi uu daba socday warkii maanta wasaarada waxbarashada soomaaliya ay ku laashay go’aano hore uga soo baxay Waaxda waxbarashada gobolka banaadir.

R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo saaxiib 40 sano ku dhawaad yihiin Wasiirka Waxbrashada C/llaahi Carab ayaa hadda qorsheenaya sidii xilka looga qaadi lahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir cumar filish.

Todobaadkii hore waxa la hor istaagay qorshe xilka looga qaadi lahaa Gudoomiye cumar filish balse hadda ayaa mar kale xiisadii isaga iyo wasiir carab ay soo laba kacleysay lagana yaabo in ay soo deg degto xilka qaadistiisa duqa Muqdisho.

Liiska xubnaha loo badinayo in ay xilka Gobolka banaadir qaban karaan ayaa waxaa ku jira Cali Maxamed Geedi oo R/wasaare ka soo noqday Dalka iyo Safiirka Soomaaliya ee kenya u fadhiya Tarsan oo Kursigii Aqalka sare uu utartamayey laga adkaaday dhawaan, waxaa kalo la saadaalinaaya Muungaab oo mar kale laga yaabo in xilka Duqa Muqdisho lagu soo celiyo.