Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Caafimaad Wax Lagu Dhawro Oo Ugu Dhaw Weeyaanee .. Daawooyinki Nabi Maxamed CSW Uu U Is-ticmaali Jiray Xaga Caafimaadka

Wednesday - November 17, 2021




Nabi Maxamed CSW waxa uu muslimiinta uga tegay waxyaabo sunno ah oo ay akhlaaqiyaad-kiisa kaga daydaan, isla markaana dhaqan wanaag u ah, sidoo kale waxa uu uga tagey wax-yaabo Dawo ah oo ka mid ah cuntooyinka iyo khudaarta wax laga cuno. Sida uu tilmaamay khabiir islaam ah oo la oran jiray Inb Al Qayyim .. ilaalinta caafimaadku waa saddex dariiqo mid ahaan: Ilaalinta caafimaadka wanaagsan iyo In jirka laga saaro walxaha dhibaatada u keenaya Iyo in jirka laga fogeeyo amma laga ilaaliyo wax-yaabaha dhibta u keena.

Haddaba, Jornaal la yiraa Health Muslim ayaa soo bandhigtay waxyaabo Nebi Muxamed CSW Daawo ahaan u isticmaali jiray kuwaasoo kala ah: 

1- Timirta oo ah cuntada uu Ilaahay ku quudiyey Maryama, kadib markii ay Nabi Ciise (CS) ku hoos dhashay geedka (Palm tree) .. Alle oo Ciise ku dhiirigeliyey ama Maryan wiilkeeda barakaysan inuu noqon doono Rasuulka Mustaqbalka ee ubadka reer Israa’iil, ayaa Maryam Alle ku yiri : Rux jirida geedka, waxa kaaga soo daadan doona Timir bisil, si aad u cunto, cabitaan indhahaaga ku nasi waxa Alle ku siiyey.
Asxaabigii weynaa ee Cabdullaahi BinJacfar, ayaa weriyey inuu arkay Nabi Maxamed CSW oo cunaya Timir markaas uun geedka laga soo gooyey

Sidoo kale mararka qaar waxa uu cuni jiray Rasuulku timir uu cabitaan ku liqi jiray, subax-nimada horena waxa caado u ahayd inuu dhawr xabbo oo Timir ah cuno, gaar ahaan inta aannu salaada subax tukan. Marka uu waayo Timir cusub waxa uu cuni jiray mid qalalan.

Timirta cusub ee markaas uun geedka laga soo jaray waxa ay faa’iido u leedahay in qofku noqdo mid awooddiisa taran fiicnaato, caradu ku yaraato, guud ahaana caafimaadkiisa jir ahaaneed iyo maskax ahaaneedba ay noqdaan kuwo wanaagsan.

Inta badan dadka aan timirta darayga ah cunin waxa ay u nugul yihiin nabarada caloosha ku dhaca ama dhiiggooda ayaa si fudud u kara, taasina waxa ay ku keentaa madax-xannuun iyo in jirkiisu uu dheelitiranku ka maqnaado.

Sidoo kale, waxa uu Nabi Maxamed asaxaabtiisa iyo ummadda islaamka ahba ku dhiirigelin jiray in ay isticmalaan ama cunaan Timirta oo uu ku sheegay in ay faa’iidooyin caafimaad oo badan leedahay.

Sidoo kale, waxa Nebiga laga soo weriyey in mararka qaar uu isticmaali-jiray Timir lagu daray subag, Rootiga iyo kaligeedba. Inta badan waxa ay cunista Timirtu fiican tahay waqtiyada kulaylaha lagu jiro. Waxa ka mid ah faa’iidooyinka kale in ay u fiican tahay indhaha iyo maskaxda qofka, sidaas darteed, waxaynu oran karnaa Timirtu waxay ka mid tahay dawooyinka Rasuulkeennu uga tegay ummadda muslimiinta ah.

2-Xabadsuud (Xabatu-Sawdaa)
Abu Hurayra Alle raalli ha ka ahaadeewaxa uu yiri in Nabiguna CSW)uu yiri; “Si joogto ah u isticmaal xabaa-suuda (iniinyaha madaw), sababtoo ah waxay ay daawo ka tahay cudur kasta oo aan ahayn dhimashada .. Xabaa-suuda ama miraha madaw ee kulul waa miro laga helo geed ubaxeed la yiraa Nigella Stiva oo ka mid ah bahda dhir duxeedka ah ee la yiraa Buttercup .. Geedkan waa geed marka uu baxo dherar ahaan gaara 16-24 iinj (inches), kadibna bixiya ubax buluug midabkiisu yahay.

Waxa kaloo loo isticmaalaa in lagu daweeyo jir xannuunka, hab-dhiska dheef-shiidka ay ka caawiso in la burburiyo suntan jirka ku jirta, xubnaha kaadi-mareenka in ay fududayso in kaadida ay dibadda u soo saaraan, in jirku u adkaysto dabaysha, xannuunada caloosha ku yimaada oo dhan waa ka dawo.

Waxakale oo lagu dilaa dirxiyada ku dhasha caloosha, maqaarka cuncunka ku yimaada iyo waliba hooyada oo ku caana badisa marka ay isticmaasho, sida ay iftiimiyeen dhakhaatiirta baaray.

Haddii qofku dhawr dhibcood oo iniinyahan saliida laga miiro ah ku darsado kafeega ama Shaaha waxa ay ka caawisaa in ay dajiso nervahiisa (calm the nervious system), Qufaca uu ka bogado, Asmada ama Xiiqdu ka yaraato iyo waliba in uu ka badbaado xanuunada neef-mareenka ku dhaca haddii Ilaahay sidaas qadaro .. balse haddii qofku si dheeli tiran ah u cuno ama uu iska badiyo waxa ay ku keentaa in dheef-shiidka calooshu khalkhalo.

3. Saliid Saytuun (olive oil)
Saied Al-Ansari Allah ka raali ahaadee wuxuu Nabiga SCW ka soo wariyey in uu yiri: Cuna, kuna duuga-jirkiina markaad heshaan maadama uu yahay geed barakaysan.

3-Malabka Shinnida: Ilaahay (SWT), waxa uu qur’aanka kariimka ah ku sheegay in malabku daawo yahay, waxaana ku xusan Suurada Al-Naxal “Malabka waxa dadka ugu jira daawo,” An Naxal (16:69), iyadoo sidoo kale suuradan Ilaahay kaga hadlay shinnida iyo faa’iidooyinkeeda kala duwan.

Haddii aad liin soo qaado, kadibna aad koob ku tuujiso, isla markaana malqacad malab saafi ah ku darsado, kadibna aad biyo kulul ku qasto, waxaay daawo ka tahay in ay jirka ka nadiifiso waxyaabo badan, sida cunno xannuunka ama xabeebta, hargabka iyo waxyaabo kale oo qashin ah oo jirka ku jira. .. liin-dhannaanta iyo malabkuba waxaay ka mid yihiin wax-yaabaha aadka u faa’iidada badan ee caafimaadka qofkana kor u qaada, xannuunada qaarna ka daaweeya .. Liin-dhanaanta waxa ay daawo fiican u tahay hargabka iyo calool xannuunka.