Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

ILeyn Naxdin Looma Go'o Oo Naftu Kaaga Ma Baxdo .. Looyar Baashe Xoosh Jibril Waa God Galay Kadib Marki Si Gaadmo Ah Loogu Dilay Istanbuul

Sunday - December 12, 2021




Inaa Lilaahi Wa Inaa ILaahay Raajicuun, Geeri Baan Cid Gafeyn .. Waxaa bishaan 6-December dalka Turkiga magaalada Istanbuul ku geeriyooday Alaha ha u naxariste Looyar Baashe Xoosh Jibril oo halkaas dalxiis mudo kooban ku joogay .. Sida la sheegay marxuumka goob u markaas taagnaa kaligi oo ahayd hotel hortis, waxaa si public ah ku soo weeraray Sadex nin baastarin ah, Tuuganimo la miraneysa , halkaaso mid ka mida Tuugtaas u darabad duba weyn kala helay madaxa iyo qoorta, isla markiina iyagoo goobta orod ku dhaafay waxay ka sii qaateen Waalatki iyo Talefoonki u sitay ..  dhaawaciisa oo dhiiga gobo' leeyahay markaasna ku noqday nabar xanuun badan illa u miyir gadoomay, waxaa loola cararay isbitaalka, balse inkasto lala tacaalay marki dambe sababtaas awgeed ayuu u geeriyooday .. 
Naf waliba geeridu wey sugeysa maantana Baashi tiisi bay ahayed, balse geeridiisa geeri kaliya ma aha ee waa geeriyo badan oo kulmay, koleyba intu noolaa ineynu qiimeyntisa iyo qiirada badino ayey ahayed, oo Af ma aha horta dhimo ha lagu baroorte, laakiin dhaqan-keena ayaa sida ah .. waa gar ineynu baroor-diiqno ee Alle cawad kheyr qaba ha inoogu soo badalo,  .. Haa maanta wuu dhintay wuuse nool-yahay inta aragtidiisi iyo xasuustiisa na dhex taal.

Hal-door Looyar Baashi Xoosh Jibril, oo lagu gardarooday wixii yiqiinay iyagoo afka gacanta saaray ayey ka tacsiiyeen, oo ay eebe dambi dhaaf uga tuugeen faataxana loo maray, waayo illa waqtigi u geeriyoon-doono wuxuu ku dhex jiray hawlihi bulshada, waayo wuxuu ahaa aqoon-yahan xul ah oo dadnimada hu'geeda ah, isla markaana waxaa lagu tilmaami jiray hanad ilbax-nimo yaqaan iyo hab maamus, oo hadana lagu yiqiin nin xumaha ka hufan hadalka dadka deeqsiiya gaarna ka haya goobta hawleed ee lagu beego, wuxuu ka mid ahaa hogaanka gudiyada u xil saarnaa taakuleynta iyo wax qabadka kumunitiga bulshada somaliyeed ee ku nool cariga Kanada gaar ahaan dadka xaga qawaaniinta sharciga ka jaah-wareersan oo u cod u ahaa, wuxuu kalo si gaara ugu xil saarnaa baarista iyo dibu eegista xeerarka lagu dhaqo bulshada tabaaleysan .. Looyar Baashi Xoosh, waxay walaalo ahaayeen wasiirki hore ee dastuurka somaliya ee la oran jiray Cabdi-raxmaan Xoosh Jibril oo isagana si kadis ah horay ugu geeriyooday magaalada Dubai ee imaaraadka carabta.

Wixii Kaa Yaabiya Waxaa Laga Akhrista: Walaa-Xawla .. Habaar ha ku dhace oo Rabiga dad-yooga u garsoora idin alle Caradiisa ha la kacdo wixii dilkaas waxash-nimada ah geysatay iyo inti dhiiri-galisay, waxaana isagana waa looyar Baashe Alle uga baryeynaa in Godka iyo Xabaasha alle u nuuriyo .. ilaahow cadaabta ka nabad gali oo janata fardoosa ugu deeq, dhamaan u samir iyo iimaan ka siiyo duriyadi u ka baxay, Tol iyo Xaas-ba iyo ehelkisa intaba .. Anagana Alle ha nagu daro kitaabka lagu keydiyo magacyada Ahlu-sunada .. Allahayow naga aqbal ducda Aamiin aamiin

hits Hits : 2033