Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

War Weyn Oo Deg Deg Ah .. Farmaajo Oo Afgambigi Ka Dhicisoobay Kadib Marku U Maray Wadadi Geeri-go'an Iyo Rooble Oo Si Toosa ULa Wareegay Awoodi Dalka

Monday - December 27, 2021




Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, isaga oo si adag uga jawaabay tallaabadii uu Farmaajo saaka uga hor istaagay xafiiskiisa, wuxuuna talaabadaas ku tilmaamay isku day bareer ah oo lagu afgambinayo dowladnimada, dastuurka iyo sharciyadda dalka u yaallo, kaasi oo markii dambe fashil kusoo dhamaaday.

Raiisal Wasaare Rooble oo hadalkiisa si wata ayaa yiri: Farmaajo ka sokow inuu shuruucda Dalka ku xad-gudbay wuxuu Saaka weerar ciidan ku soo qaaday xafiiska Raisul-wasaaraha iyo Golaha Wasiirada, isagoo isku dayey inuu ka hor joogsado inay gutaan waajibaadkoodii Qaran

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tallaabooyinka uu qaaday Farmaajo ku sheegay inay yihiin kuwa lagu carqaladeenayo doorashada dalka ka socota, si uu wada ugu sii xaaro muddo kororsi sharci darro ah.
wuxuu yiri ujeedada uu ka leeyahay tallaabooyinkaan gurican ee sharciga baalmarsan waa inuu ku carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo si sharci darro ah si lamid ah isku daygii fashilmay  ee Bishii April ee dalka lagu dumin rabay”.

Waxa uu sheegaymar haddii uu Farmaajo go’aan ku gaaray inuu burburiyo hey’adaha dowladda uu Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayo in xukuumadda ay gudaneyso waajibaadka ka saran xaaladda kala guurka ee Dalka ku jiro.

Rooble ayaa hadalkiisa intaa ku daray: Maadaama madaxweynihii hore ay muuqato inuu go’aan ku gaaray inuu burburiyo hey’adaha Dowaladda isagoo aan heysan sharciyad waxaa Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gudaneysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah , gaar ahaan xilliga kala guurka ah ay si buuxda mas’uul uga tahay hoggaaminta iyo hagista dhammaan howlaha hey’adaha kala duwan ee Qaranka”.

Rooble ayaa bayaankiisa ku amaray dhammaan ciidamada kala duwan ee Dowladda inay isaga ka amar qaataan, wuxuuna ku hanjabay inuu tallaabo adag ka qaadi-doono ciddii amarkiisa diida.

Waxa uu markale ku cceliyay in Farmaajo uu kamid yahay musharixiinta u taagan xilka madaxweyne, wuxuuna ugu baaqay inuu faraha kala baxo howlaha doorashada, si lamid ah musharaxiinta kale ee kursiga kula tartameysa.

Raiisal Wasaare Rooble ayaa hadalkiisa ku si xusay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida aan la wada socono waa musharax madaxweyne, waxba ugama duwana musharixiinta kale ee xilkaan u taagan, waxaana u caddeynayaa musharax ayaad tahay, gees u istaag sida musharixiinta oo kale kursigana u tartan, ciidamada kama amar qaadan karaan wax amar ahna ma siin karo maadama uu doonayo inuu awoodaha Qaranka uga faa’idesto musharx-nimadiisa una burburiyo dowladanimada haddii uu waayo dantiisa shakhsiga ah taasoo ah waan boobaa ama waan badanaa”.

Gabagabadi ayaa Rooble hadalkiisi bayaanka ahaa ku yiri: Waxaan caddeynayaa inay iga go’an tahay inaan Dalka u horseedo doorasho hufan isla markaasa awoodda Dalka si nabad ah lagula kala wareego si looga baxo cakirnaanta siyaasadeed ee uu Dalka geliyey madaxweynihii hore.